Lionel Messi Oo Garsoorihii El Clasico Ku Yidhi: “Miyaad Garanaysaa Sharciga Kubadda Cagta, Haddii Aanad Garanayn.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lionel Messi ayaa la weydiiyey haddii uu aqoon u leeyahay sharciga ciyaaraha, waxaana su’aashani ka timid garsoorihii dhexdhexaadinayay kulankii Clasico ee Real Madrid ay ku garaacday Barcelona.

Garsoore Gil Manzano iyo Lionel Messi ayaa ku wada hadlay ciyaarta dhexdeeda, iyadoo laacibka reer Argentina uu ka cabanayay go’aan garsoore.

Hase yeeshee waxa uu jawaab kakan kala kulmay garsooraha oo weydiiyey su’aal aanu filayn oo aan meeshaba oollin.

Barcelona oo ka gadooday qalad dhamaadkii lagu galay Martin Braithwaite iyo rikoodhe ay dalbatay oo aan waxba laga soo qaadin, waxa uu kabtanka Barcelona la hadlay gasoore Gil Manzano oo uu weydiistay in loosoo daawado qaladkaas, hase yeeshee garsooraha ayaa ku aamusiiyey su’aal kale.

Sida ay sheegtay idaacadda Sport-FM, Lionel Messi ayaa garsooraha u tegay, waxaanu ku yidhi: “Garsooruhu waa in uu ixtiraam muujiyo, si fiicanna u hadlo.”

Gil Manzano oo u muuqday in uu ka cadhooday hadalka Messi ayaa ugu jawaabay: “Ma taqaanaa sharciga kubadda cagta mise waa maya? Haddii aanad garanayn, aniga ayaa kuu sharrixi doona mar kale.”

Arrinta xiisaha lahayd ayaa waxay tahay, in Gil Manzano uu yahay garsooraha kaliya ee Lionel Messi siiyey halka kaadh ee casaanka ah ee uu waligii qaatay.

Barcelona ayaa ciyaartaas cabasho badan ka muujiyey garsooraha, waxaanay ku eedeeyeen in uu ka diiday rikoodhe caddaan ah, laakiin garsooraha ayaa isaguna aan wax ishaaro ah ka helin VAR oo aan u sheegin in qaladkii Ferland Mendy ku galay Braithwaite uu ahaa rikoodhe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here