Rikoodhadii La Diiwaangeliyey, Xaqiiqooyinkii Ciyaarta Iyo Messi Oo Lagu Daray Laacibiintii Ku Fashilmay Ciyaartii Xalay.

0
186

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa hoggaanka horyaalka LaLiga la wareegtay kaddib markii ay Barcelona kaga badisay 2-1 kulan ka dhacay garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.

Karim Benzema ayaa goolka  hore ku dhaliyey cidhib, waxaana mid kale raaciyey Toni Kroos, halka goolka madiga ahna uu Barcelona u dhaliyey Mingueza oo taariikhda isku qoray.

Rikoodhadii laga diiwaangeliyey ciyaarta:

  • Real Madrid ayaa taariikh samaysay, waxaanay u ahayd markii u horreysay ee tan iyo 2007-08 ay xilli ciyaareed gudihii labadii kulanba ka badiso Barcelona. Ciyaartii hore ee Camp Nou ayay Real kusoo adkaatay 3-1, halka ay caawana 2-1 guushu ku raacday.
  • Lionel Messi ayaa barbarreeyey rikoodhka safashada ee Sergio Ramos oo hore u ahaa laacibka ugu safashada badan kulankan El Clasico. Labadooduba waxay hadda ciyaareen min 45aad.
  • Messi ayaan wax goolal ah ka dhalinin Real Madrid tan iyo intii uu Spain ka tegay Cristiano Ronaldo, waxaana u dambaysay ciyaartii ay 2-2 ku kala baxeen dhamaadka xilli ciyaareedkii 2017-18, intii ka dambaysay oo dhan habaar ayaa kaga dhacay kulankan.
  • Karim Benzema ayaa toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka, waxa uu dhaliyey goolal, waxaanu noqday ciyaartoygii afraad ee Real Madrid ah ee qarniga 21aad toddoba ciyaaarood oo LaLiga ah shabaqa soo taabta. Ruud van Nistelrooy, Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale ayaa ka horreeyey.
  • Toni Kroos ayaa dhaliyey laaggii xorta ahaa ee ugu horreeyey 316 kulan oo uu u saftay Real Madrid. Lix gool oo laad xor ah ayuu u dhaliyey intii uu joogay Los Blancos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here