Liverpool vs Aston Villa – Klopp Oo Wacad Ku Maray Inay Aarsan Doonaan & Hubka Uu U Diraarsaday Inuu Ku Aarguto

0
157

JOWHAR (Radioisnaay) Jürgen Klopp ayaa sheegay in guuldaradii 7-2 ee ku soo gaartay Villa Park xilli ciyaareedkan inuu maanka ku heyn doono isagoo doonaya inuu soo gabagabeeyo lix kulan oo isku xigta oo looga badiyay Anfield.

Waa inaan wax walba saxno” ayuu ka yiri guuldaradii ugu cusleyd horyaalka ee soo gaartay Liverpool tan iyo sannadkii 1963. Guul ay gaaraan ayaa la micno noqoneyso guushii 100aad ee Liverpool ay ku gaarto Anfield tartamada oo dhan tan iyo markii uu Klopp tababare u noqday.

Reds ayaa aad ugu baahan guul ay ku gaarto Anfield kaliyana ma ahan inay soo gabagabeyso lix kulan oo isku xigta oo garoonkeeda looga badiyay iyo inay ku dhawaatay tartanka loogu jiro u soo bixitaanka Chelsea balse waxay u baahan yihiin kalsooni ka hor kulanka Real Madrid ee todobaadkan.

Si kastaba, waxay la ciyaaraan Aston Villa oo haddii ay badiso labo dhibcood kaliya ka danbeyn doonta Liverpool iyagoo soo galaya kaalinta 8aad. Aston Villa waxay shabaqa ilaashatay xilli ciyaareedkan 14 jeer, kaliya waxaa ka fiican Man City iyo Chelsea.

Kulanka: Liverpool vs Aston Villa

Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Natiijada xilli ciyaareedkii hore: Liverpool 2-0 Aston Villa

Garsoore: Paul Tierney

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ma qabo wax dhaawacyo cusub ah oo uu ka walwalo laakiin waxa uu qiimeyn doonaa xaalada kooxdiisa ka dib kulankii Champions League ee bartamaha isbuuca.

Joe Gomez, Jordan Henderson, Joel Matip, Caoimhin Kelleher, Virgil van Dijk iyo Divock Origi ayaa dhamaantood dhaawacyo ku maqan.

Kabtanka Aston Villa Jack Grealish ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado labo isbuuc kale ka dib dib u dhac ka soo wajahay ka soo kabsashada dhaawacii lugta.

Daafaca Kortney Hause ayaa ku soo laabtay kooxda laakiin Wesley weli taam buuxda ma ahan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Philips, Kabak, Robertson; Thiago, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

Aston Villa (4-2-3-1): Martinez; Targett, Mings, Konsa, Cash; McGinn, Douglas Luiz; Trezeguet, Sanson, Traore; Watkins.

MA OGTAHAY?

Aston Villa ayaa labada kulan ee xilli ciyaareedka horyaalka ka badin karta Liverpool markii ugu horeysay tan iyo markii la aas-aasay Premier League xilli ciyaareedkii 1992-93.

Lix ka mid ah 13kii guul ee Premier League ee ay Aston Villa ka gaartay Liver[pool waxay ku badisay Anfield, laakiin waxaa looga badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay soo booqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here