Mareykanka oo Billaabaya Dagaal ka Dhan ah Hubka Sharcidarada Guryaha u Yaala.

0
179

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saaray amar lagu bartilmaameedsanayo qoryaha guryaha lagu haysto, ee loo yaqaan “qoryaha cirfiidka” kuwaasoo lagu sheegay iney diiwaangashanayn helitaankooduna adag yahay.

“Rabshadaha qoriga uu sababa oo gudaha Mareykanka ka dhaca waa masiibo” ayuu yiri khamiistii.

Madaxweyne Biden ayaa ku dhawaaqay in la qaado tallaabboyin horleh oo loo marayo amar fulineed uu bixiyey, taasoon u baahneyn inuu aqalka kongreska meel mariyo.

Tallaabbooyinkaasi oo ay ka mid yihiin noocyada qoryaha xeer in loo dajiyo, asalkooda in la baaro iyo in la taageero tallaabba kasta oo looga hortagayo rabshadaha maxalliga ah ee hubkaasi ka dhasha.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha awaamiirtan cusub uu bixiyey wuxuu kala kulmi doonaan culeys aan yareen.

Xaqa hub qaadashada maadaamaa uu ilaalinayo dastuurka labaad ee Mareykanka ee isbeddelka lagu sameeyey dad badanna xakameynta hubka ay u arkaan mid xadgudub ku ah xuquuq dastuuri ah oo ay muwaaddinintu leeyihiin.

Saacado un marki ay ka soo wareegtay iclaaminta madaxweyne Biden ee hubka in la uruuriyo, hal qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gobolka Texas ee Mareykanka. Halka shan qof oo goob ka dukaameysaneyna ay ku dhaawacmeen.

Sida oo kalana hal askari ayuu dhaawac soo gaaray xilli ay booliska ku raad joogeen soo qabashada shaqsi lagu tuhmay inuu weerarkaasi geystay.

Arbacadina 5 qof oo ay 3 ka mid ah yihiin carruur ayaa lagu dilay South Carolina. Qofka looga shakisan yahay inuu weerarka geystay oo magaciisa lagu sheegay Philip Adams uu yahay ciyaartooy hore.

Weerarkaasina waxaa ka horreeyey labadi weerar ee ka kala dhacay Colorado iyo Georgia oo ay ku dhinteen 18 qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here