Manchester United Oo Lug La Gashay Semi-finalka iyo Arsenal Oo Lagu Dilay Garoonkeeda.

0
206

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay Granada oo ay marti u ahayd, laakiin Arsenal ayaa jab kula kulantay Emirates Stadium, waxaana ku qabatay kooxda reer Czech Republic ee Spartak Parague oo ay waqti dambe goolasha kala dhaliyeen.

Red Devils oo waddanka Spain ugu tagtay Granada ayaa lasoo noqotay guul dibedda ah, waxaana mahadda guushaas iska leh weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford oo rikoodh looga diiwaangeliyey ciyaartan.

Laakiin Bruno Fernandes ayaa Manchester United gool labaad oo rikoodhe ahaa u dhaliyey iyadoo ciyaartu soo dhamaanaysa, taas oo u xaqiijinaysa in ay lug lasii galeen wareegga xiga ee semi-finalka Europa League

Daqiiqaddii 31aad ayuu Marcus Rashford hoggaanka ugu dhiibay Manchester United kubbad uu ka helay Victor Lindelof, waxaanay natiijadu 1-0 ahayd illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 90+1 oo uu Bruno Fernandes rikoodhe ku dheereeyey natiijada kooxdiisa ee kulankan, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Manchester United.

Lugta labaad ee labadan kooxood ayaa Khamiista toddobaadka dambe waxay ku wada ciyaari doonaan garoonka Old Trafford, waxaanay Granada u baahan tahay in ugu yaraan ay ku badiso tirada goolasha caawa lagaga badiyey, si ay kulanka dambe u gaadhsiin karto rikoodheyaal.

Hase yeeshee xaaladda ay ku ciyaaraysay iyadoo garoonkeeda joogta, ayaa quus ka dhigaysa Granada.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey lagu dilay garoonkeeda Emirates Stadium, waxaana qalbi-jabisay Spartak Prague oo waqti dambe ka dhalisay goolka barbarraha.

Ciyaartan oo inteeda badan ahayd goolal la’aan, ayay Arsenal isku qortay in ay guuleysatay daqiiqaddii 86aad oo uu gool u dhaliyey Nicolas Pepe oo beddel kusoo galay, kaas oo uu kubaddana u sallaxay Aubameyang oo isaguna kaydka ka yimid.

Kulankan oo uu Mikel Arteta isbeddelo badan ku sameeyey safkiisa, isla markaana uu dhigtay ciyaartoydiisa waaweyn qaarkood, ayaa waxa la taabsiiyey xaqiiqada daqiiqaddii 90+4 ee waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, waxaana libintooda soo afjaray Tomas Holes oo goolka barbarraha u dhaliyey Spartak Moskow.

Kooxda reer Czech Republic ayaan laga dareemaynin in ay marti tahay, inkasta oo xoogaa gacan ku haynta ciyaarta ay ku sarraysay Arsenal, waxaanay ciyaartoodu kusoo dhamaatay 1-1.

Lugta labaad ayay Arsenal u safri doontaa Czech Republic, halkaas oo ay kusoo mari doonto imtixaan adag.

Kulamadii kale ee caawa ayaa waxa kale oo wada ciyaaray Roma iyo Ajax, waxaana 2-1 ay guushu ku raacday Roma oo marti ahayd.

Villarreal ayaa iyaduna guul dirqi ah kasoo gaadhay Dynamo Zagreb.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here