Kudhawaad  20 qof oo ku Geeriyootay  Shil Gaari oo kadhacay Dalka Kenya

0
183

JOWHAR (Radioisnaay) Shilka Gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyadeed ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay inta u dhexeysa wadada xiriiriso deegaanka Malindi iyo magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Bas weyn oo ka yimid Magalada Mombsa kuna sii jeeday Magalada gaarisa iyo mid yar oo kusii jeeday Magalada Mombasa kana yimid deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.

Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay 20 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magalada gaarisa, waxaa sidoo kale burbur xoogan uu gaaray Gawaaridii shilka gashay.

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Kilifi Kutswa Olaka ayaa xaqiijiyay shilkaas, waxaana uu sheegay in dadka dhintay ay ku jiran labadii Daarawal ee Basaska waday.

Waxaa intaas uu ku daray in dhowr shaqaale dowladeed ah oo katirsan dowlad deegaanka Kilifi ay shilka ku dhinteen, isla markaana ay wadaan baritaano la xiriira sababihii keenay inay labada Bas isku dhacaan.

Wadada xiriiriso deegaanka Malindi iyo magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Shilal Gaari oo geystay khasaaro kala duwan, iyada oo booliska Kenya ay baritaan ku hayaan sababihii ka dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here