Sacuudiga oo Gaashaanka u Darruuray eedeymo kaga Yimid Dowladda Urdun.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saraakiisha dalka Sacuudiga ayaa gabi ahaanba gaashaanka u daruuray warar sheegayay in ay ku door ku leeyihiin isku day afgembi oo la sheegay in uu ka dhan ahaa boqortooyada Urdun.

Sabtidii dhaxal sugihii hore ee Urdun Xamzah ayaa xabsi guri laga dhigay waxaana lagu eedeeyay in uu minja-xaabinayo amniga qaranka.

Arrintan ayaa timid ka dib markii uu Xamza ka qeyb galay kulan ay lahaayen mid ka mid ah beelaha daga Urudun kaasi oo si cad loogu cambaareeyay boqor Cabdalla.

Xamzah ayaa ka dib soo saaray 2 muuqaal oo uu BBC la wadaagay isaga oo dowladda dalkiisa ku eedeeyay musuqmaasuq iyo waxqabad la’aan.

Waxaa muuqaaladaasi ku sheegay in dadka ay ka baqayaan inay arrintan ka hadlaan iyaga ka baqaya in ay dhibaateeyaan ciidamada ammaanka.

Tan iyo wixii ka dambeeyay muuqaalka uu soo saaray xaaladda ayaa la dajiyay ka dib dhexdhexaadin uu gar wadeen ka ahaa boqorka adeerkii.

Balse tan iyo xilligaasi waxaa soo baxayay warar la isla dhex marayay oo sheegayay doorka Sacuudiga ee xasaradan ka taagan Urdun.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, amiir Faisal bin Farhan, ayaa u duulay caasimada Urdu ee Camaan isaga o ay la socdaan ergo kale.

Waxaa uu muujiyay in Sacuudiga “ay si buuxda u garab taagan yihiin dowladda boqor cabdalla “.

Waxaa sidoo kale saraakiisha Sacuudiga ay intaa ku dareen in go’aanka Sacuudiga uu kaasi yahay islamarkana wararka sheegaya inay Sacuudiga ku lug leeyihiin isku dayga in xasilooni daro laga abuuro dalkan yar ee ay dariska yihiin ay tahay “wax aan micno ku fadhin ooo aan loo meel dayin “.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here