Dembele Oo Waqtigii Geerida Guul Ku Hogaamiyay Barcelona & Blaugrana oo Hal Dhibic Kaliya U Jirta Hogaanka La Liga.

0
223

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gool soo daahay uu dhaliyay Ousmane Dembele waqtigii dhimashada ciyaarta ayay Barcelona kaga badisay Real Valladolid oo marti ku aheyd Camp Nou islamarkaana 10 xiddig ku ciyaareysay 10kii daqiiqo ee ugu danbeeyay markii casaan laga qaatay.

Blaugrana oo fursado badan heshay ayaa jahwareer kala kulantay Valladolid ilaa daqiiqadii 90aad markaasoo kooxda martida aheyd uu xiddig ka maqnaa, iyadoo Dembele uu dhaliyay goolka guusha.

Natiijadaana aya ka dhigan in Barcelona ay hal dhibic kaliya u jirto kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga iyagoo leh 65 dhibcood ka dib 29 kulan oo la ciyaaray horyaalka, waxayna labo dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta 3aad ee Los Blancos.

Real Valladolid ayaa ku qeybtii hore ee ciyaarta ku guuleysatay inay hakiso weeraradii isdaba jooga ahaa ee Messi iyo asxaabtiisa iyadoo Barcelona ay ku guuldareysatay inay ka faa’ideysato fursadihii ay heleen Dembele iyo Messi.

Fursadii ugu fiicneyd ee qeybtii hore waxay timid daqiiqadii 45aad markii kubad ka timid Pedri uu goolhaye Masip sii taabtay iyadoo ay birta ay soo celisay.

Barcelona ayaa birta garaacday xilli ciyaareedkan 29 jeer tartamada oo dhan, waa kooxda ugu badan ee sidaas sameysay shanta horyaal ee ugu waa weyn.

Frenkie de Jong ayaa qeybtii hore dhameystiray boqolkiiba 100 baasaskii uu sameeyay, isagoo dhameystiray dhamaan 52 baas uu sameeyay oo 30 ka mid ah uu ku sameeyay qeybta garoonka kooxda Valladolid, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Daqiiqadii 62aad Barcelona ayaa ku dhawaatay inay shabaqa soo taabato laakiin fursadii halista aheyd ee Dembele waa la badbaadiyay iyadoo kubadii soo laabatay inuu banaanka mariyay Antoine Griezmann.

Daqiiqadii 65aad Valladolid ayaa ku dacwootay rigoore markii ay kubada gacanta kaga dhacday Jordi Alba, laakiin VAR oo dib u eegis sameysay ayaa xukmisay inaysan rigoore aheyn madaama Alba uu u dhawaa kubada taasoo suurtogal ka dhigeynin inuu gacanta ka wareejiyo.

Daqiiqadii 79aad kooxda martida aheyd ee Valladolid waxaa casaan toos ah ka qaatay Oscar Plano kaasoo qalad xun ku galay Ousmane Dembele.

Barcelona ayaa heshay faa’ido dheeri ah tobankii daqiiqo ee ugu danbeeyay ee ciyaarta, waxay goolka guusha heleen dhamaadkii ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Frenkie de Jong uu sii taabtay Araujo taasoo u saamaxday xiddiga Faransiiska Ousmane Dembele inuu kubada shabaqa ku taabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here