Manchester United Oo Guul Ay Ku Rafaadday Ka Gaartay Brighton.

0
169

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul soo laabasho ah oo ay ku dhibaatootay ka gaadhay Brighton oo ay ku qaabbishay garoonka Old Trafford, taas oo ay kaga badisay 2-1.

Red Devils ayaa lagala hormaray gool uu qaybtii hore ka dhaliyey weeraryahankoodii hore ee kasoo baxay kulliyadooda ee Danny Welbeck oo daqiiqaddii 13aad kubadda qasab ku dhaafiyey goolhaye Dean Henderson oo markii hore iska difaacay, balse uu mar labaad ku celiyey.

Manchester United ayaa qaybtii dambe si aad ah u dagaallantay, waxaanay Brighton oo inta badan difaac ku jiray ay weerar degdeg ah oo uu farsamadeeda lahaa Bruno Fernandes uu daqiiqaddii 62aad gool u sarrifay Marcus Rashford oo goolhaye Robert Sanchez ku qasbay inuu dabinta qaniino.

Mason Greenwood ayaa dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay goolka guusha u saxeexay Manchester United oo sidoo kalena iska lumisay fursado ay goolal intaas ka badan ku dhashan karaysay, gaar ahaan Greenwood oo goolhayaha la hor-tegay kubbada.

Guushan ayaa Manchester United siisay in ay kaalinta labaad isku ballaadhiso iyadoo afar dhibcood ka horreysa Leicester City oo kusoo xigta, isla markaana ay shalay garaacday Man City.

Waxa kale oo guushani ay soo yaraysay farqiga dhibcaha ay Manchester City hoggaanka ku hayso oo hadda noqday 14 dhibcood halkii ay hore uga ahaayeen 17 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here