Faah faahno ka soo Baxaya Qasaaraha Shil Tareen oo ka Dhacay Bariga Taiwan.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintey iyadoo tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen ka dib markii tareen uu ka leexday qadkii loogu tala galay Twain sida ay kusoo warantay warbahinta gudaha.

Samatabbixiyeyaasha ayaa wali la dagaallamaya sidii ay u gaari lahaayeen gaadiid badan oo shilka ku burburay iyadoo dad badan la soo sheegay inay dhaawacmeen.

Musiibada ayaa ka dhacday bariga Taiwan jimcihii waaxda dab damiska ee degaanka ayaa sheegtay in ka badan 20 qof ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Tareenada ee Taiwan ayaa lagu soo warramay inay sheegeen in cillad bixinta ay dhacday 9:28 subaxnimo tareenka 408 Taroko.

Tareenka, oo u socdaalayay Taitung, ayaa ka soo baxay biraha tunel ee waqooyiga Hualien taasoo keentay in gawaarida qaar ay ku dhacaan derbiga tunnelka, waaxda dab-damiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here