Real Madrid Oo SHAN Xiddig Oo Waa Weyn Ay Ka Dhaawacmeen Ka Hor Kulanka Champions League Ee Liverpool.

0
224

JOWHAR (Radioisnaay) Rajada ay Liverpool ka qabto inay u gudubto semi-finalka Champions League ayaa sarre u kacday ka dib markii ay soo baxday in SHAN ka mid ah xiddigaha Real Madrid ay seegi karaan kulanka lugta hore ee wareega sideed dhamaadka.

Iyadoo xilli ciyaareedka Reds ee Premier League uu noqday fashil, waxay isku badbaadin karaan guulo ay ka soo hoyaan Yurub inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Waxayna fursad u heystaan inay ka talaabsadaan Real Madrid oo iyaguba aan ku jirin sannadkoodii ugu fiicnaa horyaalka La Liga.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa si weyn ugu baahan inay si fiican ku bilowdaan wareega sideed dhamaadka marka ay lugta hore u safraan Spain Talaadada soo socota.

Waxaana caawineysa warka ku saabsan in kabtan Sergio Ramos uu garoomada ka maqnaanayo muddo bil ah ka dib dhaawac ku soo laba kacleeyay halka ay sidoo kale dhaawacyo ku maqan yihiin Toni Kroos, Eden Hazard, Federico Valverde iyo Dani Carvajal.

Sergio Ramos iyo xiddigii hore ee Chelsea Eden Hazard ayaa la hubaa inaysan ciyaari doonin kulanka Liverpool ee todobaadka soo socda.

Carvajal ayaa sidoo kale isna ay hubaal tahay inuu maqnaanayo madaama uu weli la maqan yahay dhaawac muruqa bowdada ah.

Xiddigaha khadka dhexe ee Kroos iyo Valverde ayaa qaba dhaawacyo yaryar, waxayna tartan ugu jiraan inay taam u noqdaan kulanka Talaadada.

Ka hor kulanka Madrid, Liverpool waxay Sabtida la ciyaari doontaa Arsenal kulan ka tirsan horyaalka Premier League iyagoo doonaya inay dib ugu soo laabtaan tartanka afarta sarre.

Waxay haatan ku jiraan kaalintya 7aad ee miiska kala sareynta laakiin waxay kaliya shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here