France iyo Spain Oo Guuleysatay Iyo Natiijooyinka Kulamadii Isreeb-reebka Koobka Adduunka.

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Spain ayaa hoggaanka u qabtay Group B ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dalalka Yurub, iyagoo ka sare maray Sweden oo hore ugu jirtay kaalinta koowaad, kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen Kosovo.

Spain ayaa guushii labaad kasoo hoysay isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaanay kasoo doogeen barbarro lama filaan ahaa oo ciyaartii ugu horreysay ay galeen.

Daniel Olmo ayaa hoggaanka u dhiibay Spain daqiiqaddii 34aad ee qaybta hore ee ciyaarta isagoo shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Jordi Alba, hase yeeshee Ferran Torres ayaa laba daqiiqadood oo kaliya kaddib gool labaad oo Spain siiyey damaanad ah inay guuleysanayaan, halka uu qaybtii dambena goolka saddexaad Gerard Moreno oo beddel kusoo galay.

Xulka qaranka Spain ayaa yeeshay toddoba dhibcood, halka Sweden oo labaad kaga jirta hormada B ay haysato lix dhibcood laakiin ay laba kulan oo kaliya ciyaareen.

Ingiriiska ayaa isaguna guul uu ku rafaaday ka gaadhay Poland oo ay ku kala baxeen 2-1, waxaana dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan tahay goolka guusha u dhaliyey Harry Maguire.

Ciyaartan oo uu dhaawac kaga maqnaa Robert Lewandowski ayaa maqnaanshihiisu faa’iido badan u noqday England, waxaana ciyaarta bilowgeedii gool rikoodhe ah dhaliyey Harry Kane, hase yeeshee Poland ayaa ka daba timid oo barbarraha heshay bilowga qaybta labaad iyadoo uu goolkana dhaliyey Jakub Moder.

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayuu Harry Maguire saddexda dhibcood u go’aamiyey England, iyadoo uu shabaqa dhex-dhigay kubbad uu caawinteeda lahaa saaxiibkiisa ay difaaca ka wada ciyaaraan ee John Stones.

Group-ka F waxa sagaal dhibcood ku hoggaaminaya xulka qaranka England oo soo wada badiyey saddexdii ciyaarood ee ay dheeleen, waxaana ku xiga Hungry oo toddoba dhibcood haysta, halka Albania iyo Poland ay lix dhibcood iyo shan dhibcood kala leeyihiin.

Xulka qaranka France ayaa isaguna guul cidhiidhi ah ka gaadhay Bosnia & Herzegovina waxaana ay ku garaaceen 1-0 iyadoo uu goolka madiga ahna dhaliyey Antoine Griezmann.

France ayaa hoggaaminaya hormada D, waxaanay haystaan toddoba dhibcood iyagoo afar dhibcood ka  horreeya Ukraine oo kaalinta labaad ku jirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here