Qaramada Midoobay oo Faransiiska ku Eedeysay Xasuuqa dad rayid ah.

0
247

Jowhar (Radio-Isnaay) Duqeyn ay fuliyeen ciidmada Faransiiska ayaa waxaa ku dhintay 19 qof oo rayid ah iyo 3 nin oo hubeysan oo ku sugnaa xaflad aroos dalka Mali bishii January, waxaa sidaas lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay.

Wasaaradda gaashaandhiga Faransiiska ayaa gaashaanka u daruurtay waxyaabaha lagu ogaaday warbixinta Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa baaritaankan fulisa ka dib markii dadka deegaanka ay sheegeen in diyaarad ah nooca Helekoptarka ay duqeysay dad ka qeyb galayay xaflad aroos meel u dhaw tuulada Bounti ee ku taalla bartamaha dalka Mali.

Baaritaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu ogaaday in xafladda arooska ay ku sugnaayeen “dad gaaraya 100 qof oo rayid ah islamarkana ay goobtaasi ahayd meesha weerarka lala bartilmaameedsaday”, sida wakaalada wararka ee AFP ay ka soo xigatay warbixinta Qaramada Midoobey.

Bayaan ka soo baxay, wasaarada gaashaandhiga Faransiiska ayaa lagu sheegay “in shaki wayn uu uga jiro hanaanka ay mareen ” baarayaasha Qaramada Midoobe

Baaritaanada Qaramada Midoobey ayaa waxaa fuliyay waaxda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobey laantooda dalka Mali, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here