Shirkad Faransiis ah oo loo ganaaxay dhimashada uu sababay kaniiniga is caateynta.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkad Faransiiska laga leeyahay oo sameysa dawooyiinka ayaa lagu helay dambi ah in ay sameysay khiyaano iyo dil bilaasha h, ka dib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan kaniinigooda la isku caateeyo.

Dawadan waxaa loo sameeyay iscaateynta dhanka sokorta, waxaana suuqyada lagu iibinayay muddo 33 sano ah.

Kaniinigaas waxaa suuqyada laga saaray sannadkii 2009-kii, ka dib markii la ogaaday in uu sababi karo dhibaato xun oo dhanka wadnaha ah.

Waxaa la aaminsan yahay in boqollaal qof ay u dhinteen dawadaas ka dib markii ay isticmaaleen.

Illaa shan milyan oo qof ayaa la siiyay dawadaas, muddadii 30-ka sano ka badnayd, inkastoo ay jireen digniino la socday markasta.

Kumannaan qof oo dhibbane ah ayaa qeyb ka ahaa dacwaddii shirkadda loo haystay ee dhageysigeeda uu bilowday sannadkii 2019-kii.

Shirkadda sameysay kaniinigan ayaa beenisay in uu saameyn iyo dhibaato lahaa, balse Maxkamad ayaa Isniintii go’aamisay in shirkadda ay bixiso ganaax lacageed oo gaaraya $3.2 milyan oo dollar.

“Inkastoo ay ogaayeen halista, muddo sannado ah, weligood ma aysan qaadin tallaabooyiinka muhiimka ah ee looga hortagi karay,” ayey tiri garsooraha maxkamadda Sylvie Daunis.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenkii hore ee shirkaddaas, Jean-Philippe Seta, ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah.

Hay’adda ansixisa dawooyiinka ee Faransiiska ayaa lagu xukumay ganaax lacag ah oo gaaraya €300,000 oo Yuuroo. Waxaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahayd fadeexadda, ayna ku fashilantay in kaalintii laga filayay ay qaadato, ayna gabtay shaqadeeda, sida ay baahiyay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Ka hor inta uusan soo bixin go’aankii Isniintii, dhakhtarka loo xilsaaray fashilintay dhibaatada dawadan, Dr Irène Frachon, waxay AFP u sheegtay in ay rajeyneyso in xukunka maxkamadda “uu keeno awoodda iyo arrimaha lagu fahmi karo sida khiyaanadaas ay muddo u socotay oo aan looga hortagin”.

Dalal kale oo ku yaalla Yurub, sida Taliyaaniga iyo Spain ayaa dawadaas mamnuucay sannadkii 2000.

Balse dadka faransiiska ayaa dawadan loo siin jiray arrimaha xanuunka sokorta iyo bukaannada kale ee wax cunidda badan.

Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in ay suuragal tahay in illaa 500 oo qof oo dhimatay lala xiriirinayo dawadan lagu magacaabo Mediator, muddadii u dhexeysay 1976 iyo 2009. Cilmi baaris kale ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay gaari karto illaa 2,000 oo qof.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here