Barcelona Oo Dhamaystiraysa Heshiisyada Xiddigihii Ay Dunida Ku Qabsan Lahayd.

0
206

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Joan Laporta iyo tababare Ronald Koeman ayaa doonaya inay dhisaan koox adag oo guuleysata iyagoo qorshahooda ka bilaabi doona xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Dhamaan ciyaartoyda ay Barcelona bartilmaameedsaneyso waa kuwa tayo sarre leh islamarkaana sumcad weyn ku dhex leh kubada cagta Yurub, intooda badan waxay ku imaanayaan qiimo aad u jaban.

Kooxda Catalans ayaan laheyn murqo dhaqaale oo ay ciyaartoy waa weyn ku soo iibsato laakiin waxay isku dayayaan inay soo xerogeliyaan ciyaartoy xor ah ama kuwa qiimahooda uu aad u jaban yahay.

Ciyaartoyda intooda badan waxaa lagu soo jiidanayaa inay qol labis la wadaagayaan Lionel Messi.

Memphis Depay

Koeman ayaa muddo sannad ah weydiisanayay madaxda kooxda inay u keenaan Camp Nou xiddiga ay isku wadanka yihiin. Qandaraaska Depay ee Lyon wuxuu dhacayaa xagaagan inkastoo kooxda Faransiiska ay dooneyso inay qandaraaska u kordhiso. Waxaa sidoo kale xiddigaan xiiseynaya Juventus iyo Liverpool.

Georginio Wijnaldum

Mid kale oo ka mid ah xiddigihii uu Koeman tababare ugu ahaa xulka Holland Wijnaldum ayaa isna qandaraaskiisa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. Liverpool weli kama aysan quusanin inay qandaraas cusub ka saxiixdo laakiin Barcelona ayaa qarka u saaran inay bilaash kula soo wareegto xiddigaan iyagoo la galay heshiis hordhac ah.

Eric Garcia

Daafaca da’ yar ayaa qandaraaskiisa uu isna dhacayaa xagaagan. Wuxuu diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo Manchester City wuxuuna doonayaa inuu u dheelo Barcelona.

Erling Haaland

Mid ka mid ah ciyaartoyda sida weyn looga doonayo dunida kubada cagta, 20 jirkaan ayaa waxaa doonaya kooxaha ugu waa weyn Yurub oo ay ka mid yihiin Chelsea, Man United, Man City, PSG, Real Madrid. Borussia Dortmund waxay xiddigaan ku qiimeyneysaa 180 milyan euro.

Sergio Aguero

Barcelona ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Messi saaxiibkiisa Sergio Aguero kaasoo xaqiijiyay maanta inuu isaga tagayo Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhaco qandaraaskiisa. PSG iyo Independiente ayaa iyagana xiiseynaya xiddigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here