Ku Dhawaad 200 Diidiin yar yar ah oo lagu Qabtay Kastamka Ekwadoor.

0
190

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Howlwadeennada kastamyada ee Ecuador ayaa Axaddii waxa ay gacanta ku soo dhigeen 185 diidiin yaryar ah oo lagu soo cabbeeyay boorso taas oo laga soo diray Jasiiradaha Galápagos kuna socotay dhulwaynaha dalkaasi.

Diidiinka oo lagu xirxiray baco ayaa waxaa lagu helay baaritaanka caadiga ah ee sida joogtada ah looga sameeyo garoonka jasiiradda ee Baltra. Toban ka mid ah diidiinkaasi waa ay dhinteen, saraakiisha ayaa sidaas sheegay.

Mid ka mid ah halista ugu wayn ee uu wajahayo diidiinka Galápagos ayaa ah ganacsiga sharci-darra ah ee ay ku dhaqaaqaan dadka xayawaanka uruursada iyo suuqyada loo beecgeeyaba.

Diidiinka lagu qabtay garoonka Baltra ayaa waxaa loo malaynayaa in da’doodu ay ka yar tahay saddex bilood.

Saraakiisha la dagaallama ka ganacsiga sharci-darrada ah ee xayawaanaatka ayaa sheegay in diidiinka la qabtay uu midkiiba ugu kici lahaa in ka badan $5,000 (£3,600).

Waxaa la rumaysan yahay in kooxaha tahriibinayay diidiinka ay bacda ugu xirxireen si aanay u dhaqdhaqaaqin hasayeeshee qof ku shaqeynayay qalabka raajada garoonka ayaa shaki ka muujiyay waxa ku jiro boorsada sidaas ayaan lagu baaray.

Boorsada ayaa waxaa garoonka keentay shirkad alaabaha daabusho taas oo sheegtay inay ku jiraan “haddiyado”, bayaan ka soo baxay garoonka ayaa lagu sheegay.

Illaa iyo hadda ma ay jirto cid arrintaasi loo xiray hasayeeshee waxaa su’aalo la waydiiyay qofkii u shaqeynayay shirkaddaas ee boorsada qabtay, waa sida bayaanka lagu sheegayee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here