Toni Kroos Oo Ka Fadhiisanaya Kubadda Cagta Caalamiga & Tababare Low Oo Sabab U Ah.

0
179

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Germany ee Toni Kroos ayaa ka fadhiisanaya ciyaaraha caalamiga ah, waxaanu raacayaa dariiqa tababaraha xulka dalkaas ee Joachom Low oo dhowaan shaaciyey inuu hawlgab ka noqonayo tababarenimada xulka Germany.

Toni Kroos oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee xulka Jarmalka ee waqtigan ayaa si lama filaan ah u tiirinaya kabaha kubadda cagta, gaar ahaan kuwa ciyaaraha caalamiga, waxaanu ku koobnaan doonaa naadiyada.

Laacibkan oo ay da’diisu tahay 31 jir ayay layaab noqonaysaa in laga maqlo warka ah in uu ka fadhiisanayo ciyaaraha qarankiisa, hase yeeshee warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in uu go’aanka tababare Low oo kale qaatay.

Joachim Low ayaa dhowaan shaaciyey in uu ka tegi doono xulka qaranka Germany marka ay soo dhamaadaan ciyaaraha Euro 2020 ee bisha June bilaabmi doona, taas oo ka dhigan in aanu u hoggaamin doonin Koobka Adduunka 2022.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee kasoo baxa Jarmalka ee BILD, Toni Kroos ayaa isaguna go’aansaday inuu soo afjaro ciyaaraha caalamiga ah oo uu ku koobnaado naadiyada.

31 jirkan oo 101 kulan u saftay Jarmalka ayaa hormood ka ahaa xiddigihii ku guuleystay Koobkii Adduunka 2014kii, waxaana muddadii uu u ciyaarayay uu u dhaliyey 17 gool.

Wargeysku si dhab ah uma sheegin haddii uu Toni Kroos ka fadhiisanayo ciyaaraha kaddib Euro 2020 si la mid ah tababarihiisa, laakiin waxa jira dareen ah in uu sii xidhnaan doono funaanadda cad illaa Koobka Adduunka.

Si kastaba, Kroos ayuu warku sheegay in uu diiraddiisa oo dhan iskugu geyn doono kooxdiisa Real Madrid oo sannadkii 2019kii uu u saxeexay heshiis cusub oo soconaya illaa 2023, laakiin ay haddana jirto ifafaale kale oo ah in qandaraaska loo kordhiyo maadaama kubaddiisu ay halkii ugu fiicnayd marayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here