England, Spain & France Oo Guulo Gaadhay, Denmark Oo Dhoolatus Weyn Samaysay Iyo Natiijooyinka Kulamada Isreeb-reebka Koobka Adduunka.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka England ayaa hoggaanka u qabtay Group-KA I ee isreeb-reebka Koobka Adduunka kaddib markii ay guul raaxo leh ka gaadheen Albania oo ay marti u ahaayeen.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Harry Kane iyo Mason Mount oo labadii qaybood ee ciyaarta shabaqa soo kala taabtay, waxaanay sidaas England ku noqotay xulka hoggaaminaya hormadooda iyagoo yeeshay lix dhibcood oo ay ka urursadeen laba kulan oo ay ciyaareen.

Harry Kane ayaa qaybtii hore madax ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday difaaca Manchester United ee Luke Shaw, iyadoo uu iskula tuuray madax meel fog jiray, sidaana hoggaanka ugu dhiibay waddankiisa oo inta badan maamulanayay ciyaarta.

England ayaa ku dhowaatay in ay goolal badan hesho qaybta hore, waxaana cajiib ahaa fursad ay birta ka jareen xilli daawadeyaashu u qaateen in shabaqu ruxmayo, hase yeeshee qaybta labaad ayay si dhab ah guusha ugu xaqiiqsadeen markii uu Mason Mount dhamaystiray kubbad uu soo gaadhsiiyey Harry Kane oo ahaa kabtanka England ee kulankan.

Group I oo ay ku wada jiraan lix waddan ayaa waxa lix dhibcood haysta xulka qaranka England, waxaana kusoo xiga Albania oo saddex dhibcood ka helay laba kulan oo ay ciyaareen, hase yeeshee Poland iyo Hungry oo min hal ciyaar dheelay, mar dhowna kulamadooda labaad ciyaaraya ayaa min hal dhibic haysta, halka ay faro-madhan yihiin Andora iyo San Marino oo laga badiyey min hal ciyaar oo ay dheeleen.

Spain ayaa iyaguna guul ay ku rafaadday kasoo gaadhay xulka qaranka Georgia oo gool kala-hormaray dhamaadka qaybta hore.

Ferran Torres iyo Dani Olmo ayaa guusha u keenay Spain iyagoo goolashana dhaliyey qaybta dambe ee ciyaarta, waxaana labadan gool ba ka shaqeeyey difaaca bidix ee Barcelona ee Jordi Alba.

Spain ayaa ku rafaadday qaybta hore, waxaana uu tababare Luis Enrique laba beddel sameeyey waqtigii nasashada iyadoo uu inyar kaddibna ka daba keenay Thiago Alcantara oo isbeddel ku sameeyey khadka dhexe, hase yeeshee waxa kaydka ku dhamaystay Sergio Ramos oo kulankii hore jug kasoo gaadhay.

Xulka qaranka Spain oo yeeshay afar dhibcood oo uu ka helay laba ciyaarood ayaa hoggaanka u qabtay group B, balse waxa booska kala bixi kara Sweden oo saddex dhibcood ka xoogsatay ciyaartii hore, caawana ciyaaraya kulankooda labaad.

Faransiiska ayaa isaguna galabnimadii maanta gaadhay guushiisii u horreysay ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaanay 2-0 ku soo dubteen Kazakhstan oo ay ugu tageen magaalada Nur-Sultan ee hore loo odhan jiray Astana.

Group D waxa afar dhibcood ku hoggaaminaya xulka qaranka France, waxaana min hal dhibic haysta saddexda waddan ee kale ee Bosnia and Herzegovina, Finland iyo Ukraine, halka Kazakhstan labadii ciyaarood ba laga badiyey.

Dhoola-tuska ugu weyn waxa caawa sameeyey xulka qaranka Denmark oo siddeed gool iyo eber ku burburiyey Maldova, isla markaana yeeshay lix dhibcood oo uu ku hoggaaminayo Group F.

Natiijooyinka kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee maanta iyo caawa

 

Kazakhstan 0-2 France

Armenia 2-0 Iceland

Georgia 1-2 Spain

Denmark 8 -0 Moldova

Albania 0-2 England

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here