Ku Dhawaad 350 Markab oo Wali Ku Xayiran Marin Biyoodka Suwees.

0
370

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 321 Markab ayaa sugaya inay Transit ahaan kaga dusaan Kanaalka Suweys, iyadoo weli lala tacaalayo sidii loo jiidi lahaa Markabka weyn ee MV Ever Given oo xanibay labada dacal ee Kanaalkaasi.

Madaxa Maamulka Kanaalka Suweys, Sarreeye Guute Osama Rabiici oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Ismaaciiliyah waxa uu sheegay in guud ahaan 321 Markab ku xayiran yihiin Waqooyiga iyo Koonfurta Kanaalka ee uu ku dhamaaday Harada u dhow Ismaaciiliyah.

“Xaalladu waa mid cakiran, waayo Markabka Kontaynarka Xambaaraha ee MV Ever Given waa mid aad uga dheer ballaca Kanaalka” ayuu yiri Osama Rabiici.

Markabkaasi oo leh Shirkadda Japanese-ka ee Shoei Kisen KK, balse Calanka dalka Panama ku safrayey waxa uu Talaadadii hore xanibay dhamaadka Koonfureed ee Kanaalka, kadib, markii ay ku kaceen Dabaylo xooggan iyo Duufaan habaas ah (caught in strong winds and a sandstorm).

Markabka waxay dabayluhu bedeleen Jihadii uu ku wajahnaa, wuxuuna xanibay Labada Janbi ee Kanaalka.

Xayiraadaasi waxay sababtay Ciriiri dhanka Maraakiibta, iyadoo ay 321 Markab is-daba taxan yihiin labada janbi ee uu ku dhamaado Kanaalka oo dhererkiisu dhan yahay 193 KM ama 120 mile.

Madaxa Kanaalka Suweys waxa kale oo uu tilmaamay in 14 doonyaha wax jiida la hawl-geliyey, halka ay Hawlgalladda Gurmadka ay qodeen dhul ku filan si loo xoreeyo Marwaxadda Markabka ku xiran.

Waxa uu qiray inaysan sababta ugu weyn ee uu Markabku u caariyey ahayn Dabaylaha xooggan iyo Arrimaha Cimilada, balse ay dhici karto inay jiraan cillado farsamo ama mid uu Aadanuhu sababay (Technical or human errors).

Waxa kale oo uu xusay in Qorshahooda Plan No. 3 yahay sidii loo yareyn lahaa Xamuulka saaran Markabka, si uu Hawlgalka u fududaado.

Ugu dambeyntii, RW Masar, Mustafa Madboli waxa uu shalay u mahad celiyey Codsiyada saaxiibada shisheeyaha ee ay taageerada uga geysan lahaayeen sidii Markabka MV Ever Green looga jiidi lahaa Kanaalka Suweys.

RW ma uusan soo hadal-qaadin Codsigii Turkiga oo ahaa inay diyaar u yihiin inay furdaamiyaan Xayiraadda Markabka Ever Green ee loo caal la’ yahay in laga jiido Kanaalkaasi.

Dowladda Britain iyo kuwo Carbeed ayaa iyagana muujiyey taageero farsamo, inkastoo aysan Dowladda Masar weli oggolaanin Yaboohaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here