Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Xanaaqii Uu Garoonka Uga Baxay Ciyaarta Oo Aan Dhamaanin Xalay

0
148

JOWHAR (Radioisnaay) Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuusan marnaba isbedeleynin ka dib markii uu si carro leh garoonka uga baxay ka hor inta aan seeriga la yeerinin madaama laga diiday gool sax aheyd oo ay Portugal ku badin kartay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen xulka Serbia

Portugal ayaa labo gool ku hormartay kulankii xalay iyadoo uu u dhaliyay xiddiga Liverpool Diogo Jota laakiin Serbia ayaa ciyaarta ku soo laabatay markii ay shabaqa u soo taabteen qeybtii labaad Aleksandar Mitrovic iyo Filip Kostic.

Serbia ayaa ka dib casaan laga siiyay Nikola Milenkovic iyadoo wax yar ka dib uu Ronaldo mooday inuu seddexda dhibcood u xaqiijiyay xulkiisa markii uu karoos ka dulqaaday goolhayaha islamarkaana uu toogtay shabaqa faaruq ah.

Laakiin daafaca Stefan Mitrovic ayaa u cararay dhanka goolka si uu kubada u bixiyo, balse wuxuu kubada bixiyay xilli ay dhowr sentimitir gudubtay xariiqda goosha.

Madaama garoonka Red Star Stadium aan laga isticmaaleynin teknooloojiyada xariiqda goosha, garsooraha iyo calanwadaha ayaa isku raacay in Mitrovic uu kubada bixiyay taasoo aheyd go’aan qalad ah oo ka careysiisay Ronaldo oo doodii uu la galay garsooraha ku muteystay calaamada digniinta.

Iyadoo ilbiriqsiyo ay ka dhiman tahay ciyaarta, Ronaldo ayaa go’aansaday inuu garoonka isaga baxo isagoo dhulka ku tuuray calaamadiisa kabtanka ka hor inta uusan garsooraha dhameynin ciyaarta.

Ciyaarta ka dib ayuu Instagram ku soo qoray: “Inaan ahay kabtanka Portugal waa mid ka mid ah sharafta iyo maamuuska ugu weyn nolosheyda.

Wax walba ayaan u soo qabtay wadankeyga una sii qaban doonaa, taasi waxba iskama bedeli doonaan.

“Laakiin waxaa jira waqtiyo adag oo aadan is xakameyn karin gaar ahaan marka wadanka oo dhan la dhaawacyo. Madaxa ayaan kor u heyneynaa, waxaana wajaheynaa kulanka xiga. Ina keena Portugal.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here