Rivaldo Oo Baahiyay War Cusub Oo Ka Soo Kordhay Mustaqbalka Lionel Messi Ee Lagu Muransan Yahay.

0
194

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lionel Messi ayaa ku dhow inuu qandaraas cusub u saxiixo Barcelona sida uu sheegay halyeeyga Barca Rivaldo.

Xiddiga reer Argentina ayaa mustaqbalkiisa Camp Nou uu shaki ku jiraa tan iyo markii uu codsaday in la iibiyo xagaagii la soo dhaafay.

Messi ayaa ku dhawaaday inuu ka tago Barcelona xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan ka laabanin isagoo ogolaaday inuu dhameysto qandaraaskiisa.

Laakiin wuxuu noqonayaa xiddig xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan isagoo moodayay inuu xor ahaa sannadkii hore.

Xiddiga reer Argentina ayaa ku doodayay in kooxda ay ka laabatay balantoodii hore iyagoo xujo ka dhigay in sida kaliya uu ku bixi karo inay tahay haddii ay koox bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo aheyd 600 milyan eginni.

Messi ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu dagaal sharci ah la galo kooxda taasoo meesha ka saartay heshiiskii uu ugu soo wareegi lahaa Manchester City.

Si kastaba, waxaa weli lala xiriirinayaa inuu Barca ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo ay doonayaan kooxaha Man City, PSG iyo kooxda horyaalka Mareykanka ee Inter Miami.

Laakiin halyeeyga reer Brazil Rivaldo oo Barcelona u dheelay intii u dhaxeysay 1997 iyo 2002 ayaa sheegay in 33 jirkaan uu sii joogayo kooxda ka dib wadahadalo uu la yeeshay madaxweynaha cusub Joan Laporta.

Madaxweynaha cusub ayaa lagu caleemo saaray Camp Nou iyadoo Messi iyo asxaabtiisa kooxda ay ka qeyb galeen.

Laporta oo markii labaad loo doortay madaxweynaha Barcelona ayaa ku ololeeyay inuu isku dayi doono inuu ka dhaadhiciyo Messi inuu saxiixo qandaraas cusub.

Rivaldo ayaa yiri: “Barcelona horumar weyn ayay sameyneysaa isbuucyadii la soo dhaafay iyagoo ka faa’ideysanaya qaab ciyaareedka fiican ee uu ku jiro Messi iyo doorashada madaxweyne cusub.

“Messi wuxuu u muuqdaa mid ka faraxsan sidii hore tan iyo markii uu Laporta yimid, waa madaxweyne uu si fiican u garanayo.

“Sababtaas darteed waxaan aaminsanahay in Messi uu heshiis la gaari doono madaxda cusub isagoo saxiixayo qandaraas uu sannado kale kooxda ku sii joogo.

“Messi waxaa kalsoonidiisa kor u qaaday madaxweynaha cusub ee la doortay oo uu xiriir fiican la leeyahay, taasoo sarre u qaadeysa fursadiisa inuu sii joogo kooxda.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here