England Oo Xasuuqday Xulka Ugu Xun Dunida, Spain Oo Lagu Dhegay, Jarmalka & Talyaaniga Oo Guulo Gaaray.

0
259

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka Ingariiska ayaa ku bilowday guul weyn isreebreebka Koobka Adduunka iyagoo 5-0 ku xasuuqay xulka ugu liita dunida ee San Marino oo marti ku ahaa garoonka Wembley ee magaalada London.

Goolasha waxaa u furay James Ward-Prowse daqiiqadii 14aad ka hor inta uusan u labeynin Dominic Calvert-Lewin todoba daqiiqo ka dib. Waxaa ciyaarta 3-0 ka dhigay ka hor inta aan la aadin waqtigii nasashada kabtan Raheem Sterling.

Bilowgii qeybta labaad weeraryahanka Everton Dominic Calvert-Lewin ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkii afaraad ee xulka Three Lions.

Xiddiga Aston Villa Ollie Watkins ayaa daqiiqadii 83aad England u saxiixay goolkoodii shanaad, isagoo gool ugu dabaaldegay kulankiisii ugu horeysay ee uu u ciyaaro xulka England.

England ayaa 5-0 kaga badisay San Marino oo ah xulka ugu hooseeya qiimeynta xulalka Adduunka islamarkaana loo yaqaano xulka ugu xun adduunka.

Isla Group I oo ay xulka England ku jirto, Hungary iyo Poland ayaa ku kala baxay barbaro 3-3 cajiib ah. Hugary ayaa labo gool ku hormartay ka hor inta aysan labo gool oo degdeg ah ku barbareynin Poland ciyaarta bilowgii qeybta labaad.

Hungary ayaa hogaanka ku soo laabatay daqiiqadii 73aad laakiin 10 daqiiqo ka dib waxaa Poland u barbareeyay Robert Lewandowski.

Albania ayaa iyadana waxay 1-0 ku garaacdo xulka Andorra oo ay marti u ahaayeen.

Group J xulka Jarmalka ayaa 3-0 ku xaaqay xulka Iceland, seddex daqiiqo ayay ku qaadatay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii uu shabaqa u soo taabtay Leon Goretzka.

Waxaa hogaanka u labeeyay xiddiga Chelsea Kai Havertz iyadoo Ilkay Gundogan uu goolka seddexaad dhaliyay bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta.

Group B xulka Spain ayaa barbaro 1-1 ah kala kulmay xulka Greece. Alvaro Morata ayaa hogaanka u dhiibay La Roja qeybtii hore ee ciyaarta laakiin xulka martida ah ayaa ku barbareeyay rigoore uu u dhaliyay Anastasios Bakasetas.

Inkastoo ay Spain raadisay goolka guusha hadana waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro. Isla Group B xulka Sweden ayaa 1-0 kaga badiyay xulka Georgia.

Goolka qura ay ku badiyeen waxaa u dhaliyay Viktor Claesson iyadoo uu caawiye ka ahaa Zlatan Ibrahimovic oo ku soo laabtay xulka Sweden.

Group C xulka Talyaaniga ayaa 2-0 ku dubtay xulka Northern Ireland iyadoo goolasha ay u kala saxiixeen Domenico Berardi iyo xiddiga Lazio Ciro Immobile.

Isla Group C Switzerland ayaa 3-1 ku dubatay xulka Bulgaria oo marti loo ahaa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here