Dibad Baxayaasha Myanmar oo Waji Cusub la soo Baxay.

0
198

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maalin kasta, dadka ku nool Myanmar waxay qaadanayan go’aanno adag oo ku saabsan noloshooda iyagoo wajahayo rabshado iyo banaanbaxyo ballaaran oo dalkaasi ka socday isbuucyadii la soo dhaafay.

Dibadbaxayaasha ayaa doonaya inay dib ugu laabtaan dowladdooda sida dimoqoraadiga ah loo soo doortay, ka dib markii militariga ay la wareegeen xukunka 1 Febraayo iyaga oo sheeganaya in musuq maasuq baahsan uu dhacay doorashadii sanadkii hore.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 149 qof ayaa ku dhintay intii lagu guda jiray kacdoonka shacabka ee billowday 1 Febraayo inkasta oo tirada dhabta ah loo maleynayo inay intaas ka badantahay.

Waa kuwan sheekooyinka qaar ka mid ah dadka weli dibadbaxayo.

Anigu waxaan ahay xubin ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Myanmar oo la yiraahdo Karen marka mudaharaadku iguma cusba.

Dibadbaxayaasha maanta waxay dalbanayaan in la sii daayo lataliyaha Gobolka Aung San Suu Kyi iyo Madaxweyne Win Myint lana xaqiijiyo natiijada doorashada 2020.

Balse annaga, qowmiyadaha lagada tirada badanyahay, waxaan dalbanaynaa waxyaabo badan. Waxaan rabnaa in la dhiso midow dimuqraadi ah oo federaal ah dhammaan jinsiyadaha ka tirsan Myanmar.

Milatarigu wuxuu ku xukumayay istiraatiijiyad kala qaybsanaanta sannado badan, laakiin hadda dhammaan jinsiyadaha oo dhan ayaa midoobay.

Waxaan haystaa gabadh yar. Waxay jirtaa hal sano.

Ma doonayo inay gabadhayda dhibaato ka soo gaarta ficilkeyga. Waxaan ka qayb galay mudaaharaadka maxaa yeelay ma doonayo inay ku dhex koraan kaligii talisnimo sidii aniga oo kale.

Kahor intaanan ku biirin mudaaharaadka, waxaan kala hadlay seygayga.

Waxaan ka codsaday inuu daryeelo ilmahayaga haddii la i xiro ama aan ku dhinto dhaqdhaqaaqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here