France Oo Lagu Dhegay, Belgium & Portugal Oo Badiyay & Natiijooyinka Kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka.

0
197

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka heysta koobka Qaramada Yurub ayaa guul ku bilowday wareega group-yada ee isreebreebka Koobka Adduunka xulalka Yurub iyagoo 1-0 kaga badiyay xulka Azerbaijan oo ay kuwada jiraan Group A.

Goolka qura ay ku badisay xulka Portugal wuxuu ahaa mid ay iska dhaliyeen xulka Azerbaijan iyadoo uu shabaqa iska soo taabtay Maksim Medvedev.

Isla Group A xulka Serbia ayaa 3-1 ku suuldaaray xulka Republic of Ireland.

Group D xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France ayaa barbaro lagu qabtay kulan ay martigeliyeen xulka Ukraine,

Antoine Griezmann ayaa gool qurux badan hogaanka ugu dhiibay laakiin waxaa guusha ka hor joogsaday gool uu iska dhaliyay bilowgii qeybta labaad Presnel Kimpembe.

Kulankii kale ee Group D ee u dhaxeeyay xulalka Finland iyo Bosnia ayaa isna ku soo dhamaaday barbaro 2-2 ah.

Group E xulka Belgium ayaa cashar fiican u dhigay xulka Wales iyagoo ku garaacay 3-1. Wales oo marti aheyd ayaa hogaanka ku hogaanka ku hormartay markii uu shabaqa u soo taabtay Harry Wilson ka dib kubad caawimaad ah uu ka helay Gareth Bale.

Belgium waxaa u barbareeyay Kevin de Bruyne ka dib kubad uu u soo dhigay Thorgan Hazard. Isla Thorgan Hazard ayaa hogaanka u dhiibay Belgium ka hor inta uusan guusha xaqiijinin Romelu Lukaku oo rigoore dhaliyay.

Isla Group E xulka Czech Republic waxay 6-2 ku garaaceen xulka yar ee Estonia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here