Marinka Suez oo Wali u Xayiran Markab Xamuul ah oo ku Cadilmay.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Markab lagu magacaabo Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha ku sii jeeday Rotterdam, Netherlands, ayaa ku cadilmay qoorriga Suez isaga oo doonayey inuu galo badda Mediterranean.

Markabkan oo ka diiwaangashan Panama, isla markaana sida xamuul dhan 200,000 tan, ayaa Salaasadii fadhiistay meel u muhiim u ah marinka Suez, waxaana hakaday isu socodka marinkaas xajmiga Ever Given awgii.

Xukuumadda Masar ayaa dib u hawgelisay marin qadiimi ah oo ku yaal Suez si ah u kala yareyso saxmadda maraakiibta.

Shilkan ka dhacay Suez-ka ayaa saameeyn muuqata ku yeeshay suuqyada shidaalka caalamka oo durbadiiba sare u kacay boqolkiiba 4.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in maraakiib ka badan 30 ay u xanniban yihiin markabka jaray marinka Suez.

Sideed doonyood oo ah nooca jiida maraakiibta ayaa ku hawlan sidii ay Ever Given uga dhaqaajin lahaayeen halka uu ku xanibmay.

Khubarada ayaa ka digaya in hawshaas ay qaadan karto dhowr maalmood.

Ku dhawaad boqolkiiba 12 badeecadaha ganacsiga caalamka ayaa mara marinka Suez, oo isku xidha Mediterranean-ka iyo Badda Cas, ahna halka ugu dhaw ee ay uga kala gooshi karaan maraakiibta u kala socota Aasiya iyo Yurub.

Dr Sal Mercogliano, oo ah taariikhyahan ku xeel dheer arimaha baddaha ayaa sheegay in dhacdooyinka noocan ah ay nadir yihiin, balse saameyn xooggan ku yeelan karaan ganacsiga adduunka.

Ku dhawaad 19,000 oo markab ayaa sanadkii 2020 ka gudbay qoorriga Suez, taasoo ka dhigan in celcelis ahaan maalintii ay maraan 51 markab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here