Faah Faahinno ka soo Baxaya Shil Khasaare geystay oo ka Dhacay Hindiya.

0
224

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 13 qof, oo badankood haween yihiin, ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay bartamaha Hindiya Maanta oo Talaadada ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Gwalior ee ka tirsan gobolka Madhya Pradesh, ka dib markii uu afka daray bas ay  la socdeen 12 haween ah iyo baabuur  kale , sida uu sheegay Hitika Vasal oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska aaggaas.

Vasal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu in dhamaan rakaabkii la socday gaariga baska ahaa iyo darawalkii gaariga ay ku dhinteen shilka.

Wasiirka gaadiidka gobolka Govind Singh Rajput oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in ay socdaan baaritaan arintaan la xariira.

Dhanka kalane Wasiirka ugu sareeya ee Gaadiidka Shivraj Singh Chouhan ayaa ku dhawaaqay magdhow lacageed oo la siinayo qoysaska dadka dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here