Xiddigii Neymar Ka Hor Joogsaday Inuu Kusoo Laabto Barcelona oo la Shaaciyay.

0
203

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Eric Abidal ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay dib ula soo saxeexan karaysay xiddiga reer Brazil ee Neymar, arrintaasina uu ka shaqeeyey markii uu safar ku tegay magaalada Paris oo ay wada-hadallo kusoo yeesheen Leonardo, hase yeeshee uu qorshahaasi fashilmay oo ay ugu dambayntii lasoo saxeexdeen Antoine Griezmann.

Xagaagii 2019kii ayuu Eric Abidal oo ahaa agaasimaha kubadda cagta ee Barcelona, waxa uu u dhowaa in kooxda uu dib ugu soo celiyo Neymar, laakiin Griezmann ayaa sabab u noqday in laacibka reer Brazil uu iman waayo Camp Nou.

Waraysi uu bixiyey Eric Abidal ayaa waxa uu ku yidhi: “Toban maalmood ka hor intii aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda, waxaan tegay Paris oo aan kula soo kulmay Leonardo {Agaasimaha ciyaaraha PSG}, waxaana ila socday agaasimaha maamulka, waxaananu ka wada hadlnaynay Neymar.

“Waxay ila tahay, haddii agaasimuhu ii raacay Paris Saint-Germain, in ay sababtu tahay in aanu lasoo saxeexan karayno Neymar, boqolkiiba boqol ayaan rumaysnaa in aanu dib ula soo saxeexanayno sababtoo waxaanu u baahnayn garab weerarka ah, Neymar na cajiib ayuu ku ahaa Barcelona.

“Tani may ahayn ciyaartoygee wanaagsan, balse waxay ahayd booska aanu u baahnayn waqtigaas. Kooxdu waxay u baahnayd garab dhab ah, laakiin madaxweynaha ayaa go’aansaday saxeexa Griezmann.”

Kaddib go’aanka uu Madaxweynihii hore ee Barcelona ku gaadhay in Neymar aan lasoo celinin oo ay Antoine Griezmann lasoo saxeexdaan, waxa kale oo Eric Abidal uu ka hor joogsaday in kooxda uu keeno Mauricio Pochettino markii shaqada laga caydhiyey Ernesto Valverde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here