Barcelona Oo Xasuuq Nus Darsan Goolal Ah Geysatay iyo Lionel Messi Oo Rikoodh Cusub Loo Diiwaangeliyay.

0
191

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa ku soo laabatay kaalinta labaad ee horyaalka La Liga ka dib markii ay 6-1 ku xasuuqeen kooxda Real Sociedad oo marti loo ahaa iyadoo Lionel Messi iyo Sergino Dest ay dhaliyeen min labo gool.

Barca ayaa u muuqata inay jaanta isla heshay iyagoo haatan afar dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee La Liga halka ay labo dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad ee Real Madrid

Kulankaan Barcelona ayaa jabiyay rikoodhkii Xavi Hernandez isagoo noqday xiddiga ugu safashada badan taariikhda Barcelona, wuxuu caawa saftay 768 kulan, waana rikoodh cusub.

Barcelona ayaa si xoogan u gacan sareysay kulankii caawa iyadoo ay ku qaadatay 36 daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta. Goolhaye Remiro ayaa kubad ka badbaadiyay Dembele iyadoo Griezmann uu ku celiskii shabaqa ku hubsaday.

Ka hor inta aan la aadin waqtiga nasashada Barcelona ayaa heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta. Messi ayaa kubad u dhigay daafaca Mareykanka Sergino Dest kaasoo isna ku guuleystay inuu dabamariyo goolhaye Remiro, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay Barca ku heysay.

Barcelona ayaa gooldhalinta halkeeda ka sii waday qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Sergino Dest uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta ka dib baas uu ka helay xiddiga garabka kale ee Jordi Alba daqiiqadii 53aad.

Sergino Dest ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo labo gool ka dhaliya hal kulan oo La Liga ah.

Seddex daqiiqo ka dib Lionel Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 4-0 markii uu xiddiga reer Argentina koontaroolay kubad dheer isagoo ka dulqaaday goolhaye Remiro.

Dembele ayaa laga diiday gool u muuqday inuusan offside aheyn, laakiin wuxuu dhaliyay gool bilaa muran ah daqiiqadii 71aad, isagoo ciyaarta ka dhigay 5-0.

Real Sociedad ayaa gool sabarsiin ah dhalisay daqiiqadii 77aad iyadoo uu u saxiixay xiddiga bedelka ku soo galay Ander Barrenetxea. Laakiin Barcelona ayaa dhameystirya nus darsan goolal dhamaadkii ciyaarta markii kubad si fiican la isagu soo dhiidhiibay uu Lionel Messi shabaqa ku taabtay.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay 6-1 oo ay Barcelona ku badisay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here