Barakac ka Billowday Qeybo ka Mid ah Caasimadda Dalka Australia ee Sidney.

0
222

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xaafado badan oo ku yaalla caasimada Australia ee Sydney ayaa la amray in dadka laga daadgureeyo sababo la xiriira halista fatahaado xoogan oo halkaasi ku dhuftay.

Gobolka New South Wales ee dalkaasi waxaa wali ka sii socda roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata.

Xukuumadda Australia ayaa sheegtay in qof walba oo ku nool goobaha hooseeya ee sheebta ah ay tahay in dadka ay ka baxaan.

Barasaabka gobolka New South Wales Gladys Berejiklian ayaa ka digtay in gobolkaasi u wajahayo fatahaadii ugu ba,naa ee soo mara muddo 10 sano ah.

Dhowr waddo oo waawayn ayay dowladda Australia xirtay ka dib markii roobabka mahiigaanka iyo fatahaada sii xoogeysteen.

Agata Imielska oo ka tirsan waaxda saadaasha hawada ayaa ka digay roobka iyo dabeylaha halista wata, isaga oo dadka uga digay inay ka warqabaan xaaladaha khatarta ah ee sida degdegga ah isku beddeli kara.

Dabeylo kale ayaa la filayaa maalmaha soo socda, iyadoo qeybo ka tirsan bariga Australia ay toddobaad gudihiis ku heli doonaan roobab xooggan.

iyo-xireenka Warragamba ee Sydney, ee ah isha biyaha ugu weyn magaalada, ayaa qararka jabsaday makrii ugu horreysay sanadkii 2016, waxaa haatanna laga digayaa inuu mar kale jabsado.

Roob ay xaddiga biyihiisu yihiin 100mm ayaa la saadaaliyay inuu ka da’ayo Sydney, iyadoo sidoo kalena roob xaddiga biyihiisu ay yihiin 300mm la sheegay inuu ku hoorayo Buuralleyda Buluugga ah, oo dhacda galbeedka magaalada.

Booliiska ayaa sheegay in boqollaal qof ay ku carareen xarumaha samatabixinta ee ku yaalla woqooyiga magaalada Sydney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here