Mushaharka Sanadlaha Ah Ee Lionel Messi Oo Lasoo Saaray & Inta Uu Ka Sarreeyo Cristiano Ronaldo.

0
238

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ah mid cidlo kaga tagaya ciyaaryahanada ay kubadda cagta ku xifaaltamaan marka ay noqoto arrimaha mushahar qaadashada ee kooxdiisaas iyadoo ay warbixin cusubi sheegayso inuu sanadkii in ka badan laba jibaarka mida uu Cristiano Ronaldo ka qaato Juventus.

Barcelona ayaa wakhtigan ku jirta deyn 1.1 Bilyan pound ah balse wali waa kuwo lacago aad u badan ku bixiya Lionel Messi oo ay bishii guud ahaan 7 Milyan oo pound siiyaan.

Taas bedelkeeda, ninka ay ku tartamaan masraxyada ugu sarreeya ee kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Juventus bishii 3.8 Milyan pound ka qaata sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe oo warbixintan cusub soo saaray.

Guud ahaan sanadkii, Messi ayaa Barcelona mushahar ahaan uga qaata lacag dhan 107.6 Milyan pound halka uu CR7 ka qaato Juventus kaliya 46.5 Milyan pound.

Ronaldo iyo Messi ayaa ahaa kuwo kusoo tartamayay jagada ugu sarreysa kubadda cagta sanadihii ugu dambeeyay oo dhan sidaas darteed maaha wax lala yaabo in labadooda magac ay ugu sarreeya xogtan.

Kaddib Ronaldo iyo Messi, Neymar ayaa haysta booska saddexaad ee xogtan waxaana uu Paris Saint-Germain mushahar ahaan sanadkii uga qaataa 31.3 Milyan pound.

Awooda mushahar ee xiddiga ree Brazil ee Paris ayaa ah mid ka sarreysa saaxiibkiisa kooxdaas ee Kylian Mbappe oo isagu sanadkii 21.4 Milyan pound ka hela PSG.

Laakiin 22 sano jirkaas ree France ayaa la filayaa inuu si deg-deg ah booskaas ugala bixi doono Neymar haddii uu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa iyo haddii uu heshiis qaali ah koox kale ugu wareegaba.

Booska afraad ee kala sarreyntan ayuu ku jiraa weeraryahanka Barcelona ee Antoine Greizmann, xiddigaas oo aan qaabkii laga filayay u anficin Barca ayaa 29.7 Milyan pound jeebka kaga shubta kooxdiisa sanadkii.

Waxa ay isku mushahar yihiin Greizmann oo ay booska afraad wadaagaan Luis Suarez oo isaguna qayb ka ah Atletico Madrid isaga oo kooxdaas ka caawinaya hanashada La Liga xilli ciyaareedkan.

Dhinaca Premier League shanta xiddig ee ugu sarreeya ayay afar kamid ah leeyihiin labada Manchester balse kaalinta koowaad ayuu ku jiraa Gareth Bale oo ay mushaharkiisa wada bixiyaan Tottenham iyo Real Madrid isla markaana 25.6 Milyan pound sanadkii hela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here