Bayern Munich vs Lazio oo Caawa is Wajahi doona – Arrinta Kalsoonida Siinaysa Lazio iyo Xiddigaha Ka Maqan Bavaria.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bayern Munich ayaa caawa soo dhawaynaysa dhigeeda Lazio kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka UEFA Champions League iyadoo kooxda difaacanaysa tartanku ay tahay mid hoggaan 4-1 ah oo ay lugtii hore kusoo guuleysatay haysata.

Dabcan dadaal aad u badan ayay uga baahan doontaa kooxda ree Talyaani inay natiijada kulankan dhinaca kale u rogto oo ay wareega sideeda ee Champions League gaadho markeedii ugu horreysay tan iyo 2000.

Warka niyada wanaagsan iyo rajada ku abuuri kara Lazio ayaa ah in Bavaria aysan shabaq nadiif ah ku bixin oo goolal laga dhalinayay dhammaan lixdii kuan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Bayern ayay kasii maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Corentin Tolisso, Douglas Costa iyo Tanguy Nianzou oo dhammaantood dhaawacyo qaba.

David Alaba ayaa seegay kulankii ay Sabtidii booqdeen Werder Bremen sababo la xidhiidha jug yar oo uu qabo, lama filayo in kulankan halis lagu gelin doono marka loo eego farqiga hoggaanka ee ay Bayern haysato, sidoo kale Leroy Sane oo kulankii Bremen bedel ku yimid ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo, sidoo kale goolhaye Nubel ayaa fursad heli kara.

Dhinaca kale Lazio ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Manuel Lazzari iyo Luis Felipe oo labaduba dhaawacyo qaba. Adam Marusic ayaa la filayaa inuu daafac midig ahaan ugu soo bixi doono shaxda.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Bayern Munich: Nubel; Pavard, Boateng, Hernandez, Davies; Kimmich, Goretzka; Sane, Muller, Gnabry; Lewandowski

Lazio: Reina; Patric, Hoedt, Acerbi; Marusic, Milinkovic-Savic, Leiva, Alberto, Fares; Correa, Immobile

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Allianz Stadium

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Istvan Kovacs (Romania)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here