Wararkii u Dambeeyay Kulamadii laga Ciyaaray Horyaalka Dalka Taliyaaniga.

0
191

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Inter Milan ayaa sagaal dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka Talyaaniga ka dib guushii ay maanta ka gaareen kooxda Torino halka AC Milan ay ku hor kuftay Napoli oo marti ku aheyd San Siro.

Romelu Lukaku ayaa hogaanka ugu dhiibay Inter gool rigoore ahaa ka hor inta aysan Torino barbareynin laakiin Lautaro Martinez ayaa goolka guusha u saxiixay.

Inter ayaa hogaanka Serie A oo la ciyaaray 27 kulan ku heysa 65 dhibcood, waxay sagaal dhibcood ka sareeyaan kooxda AC Milan oo haatan kaalinta labaad ku jirta islamarkaana leh 56 dhibcood.

Milan waxay guuldarro 1-0 caawa kala kulantay kooxda Napoli oo marti ku aheyd garoonka San Siro.

Gool uu dhaliyay Matteo Politano qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda tababare Gattusso ay ku garaacday AC Milan oo waqtigii dhimashada ciyaarta uu casaan toos ah ka qaatay Rebic.

Milan waxay halis ugu jirtaa inay kaalinta labaad u weyso Juventus oo haatan seddexaad ku jirta ka dib markii ay maanta ay 3-1 ku garaaceen Cagliari iyadoo Ronaldo uu seddexleey dhaliyay.

Juve oo hal kulan uu u harsan yahay ayaa hal dhibic ka danbeysa AC Milan iyagoo leh 55 dhibcood. Atalanta oo 3-1 kaga soo badisay Spezia ayaa kaalinta afaraad ku jirta iyagoo leh 52 dhibcood.

Napoli oo caawa guusha weyn ka gaartay AC Milan ayaa shanaad ku jirta iyagoo leh 50 dhibcood, waxaana u harsan hal kulan. Waxay isku dhibco yihiin AS Roma oo kaalinta lixaad ku jirta kuwaasoo guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay maanta kooxda Parma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here