Manchester United Oo Guul Ay Ku Rafaadday Ka Gaadhay West Ham, Kuna Soo Laabatay Kaalinta Labaad ee Horyaalka.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul ka gaadhay West Ham United oo ay kusoo dhoweysay Old Trafford, waxaanay soo gaabisay farqiga dhibcaha Manchester City ay hoggaanka horyaalka ku hayso oo ay ka dhigtay 14 dhibcood.

Red Devils ayaa kaalinta labaad ee horyaalka kala baxday Leicester City oo si ku-meelgaadh ah usii fadhiisatay booskaas kaddib xasuuq ay galabta u geysatay Sheffield United.

Kulankan oo ay Manchester United dhaawac kaga maqnaayeen dhawr ciyaartoy oo muhiim ah, waxa goolka madadiga ah ee ay guushu ku raacday iska dhaliyey difaaca West Ham United ee Craig Dawson oo madaxa lasii helay kubbad koorne ahayd oo uu madax kale kusoo duway Scott McTominay.

Manchester United ayaa yeelatay 57 dhibcood, kuna jirta kaalinta labaad, waxaanay 14 dhibcood ka dambaysaa Man City oo hoggaanka horyaalka haysa halka ay Leicester City oo saddexaad fadhidana ay hal dhibic ka horreeyaan.

Shaxdii labada kooxood

WEST HAM (5-3-2): Lukasz Fabianski; Vladimir Coufal, Craig Dawson, Issa Diop, Aaron Cresswell, Ben Johnson; Tomas Soucek, Declan Rice, Mark Noble; Jarrod Bowen, Michail Antonio.

Kaydka: Fabian Balbuena, Said Benrahma, Manuel Lanzini, Frederik Alves, David Martin, Nathan Trott, Ademipo Odubeko, Conor Coventry.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): Dean Henderson; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Scott McTominay, Fred; Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Daniel James; Marcus Rashford.

Kaydka: Eric Bailly, Lee Grant, Amad Diallo, Alex Telles, Nathan Bishop, Nemanja Matic, Brandon Williams, Axel Tuanzebe, Shola Shoretire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here