Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga

0
209

JOWHAR (Radio Isnaay) Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nayroobi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here