Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Fulham vs Man City iyo Guardiola Oo Isbeddel Weyn Sameeyey.

0
200

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa rajaynaysa inay sii dheeraysato hoggaanka horyaalka oo ay ka dhigato 17 dhibcood, haddii ay ka guuleysato Fulham oo ay kula ciyaarayso magaalada London.

City oo 13 ciyaarood oo Premier League ah oo ay waajahday Fulham kaliya hal mar laga badiyey ayaa waxay kusoo gashay shax adag oo uu hoggaaminayo weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero.

Tababare Pep Guardiola ayaa markii ugu horreysay in muddo ah kusoo wada bilaabay labada weeraryahan ee Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus, waxaana khadka dhexe kasoo caawinaya Ferran Torres, Bernardo Silva iyo Rodrigyo.

Difaaca ayay wada taagan yihiin Dias iyo Stones oo ay garbaha ka xigaan Mendy iyo Laporte, halka Joao Cancelo uuu khadka dhexe raacsan yahay.

Pep ayaa kulankan nasiyey ciyaartoydiisa waaweyn sida Phil Foden, Riyad Mahres, Fernandinho, Kevin de Bruyne, Ilkay Gundogan iyo Kyle Walker oo intuba kaydka ku jira.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester City XI: Ederson,  Mendy, Dias, Stones, Laporte, Cancelo, Rodrigo, Silva, Torres, Jesus, Aguero

Kaydka: Steffen, Walker, Gundogan, Zinchenko, De Bruyne, Fernandinho, Mahrez, Foden, Garcia

FULHAM XI: Areola, Tete, Andersen, Adarabioyo, Aina, Lemina, Reed, Anguissa, Loftus-Cheek, Cavaleiro, Lookman

Kaydka: Fabri, Hector, Mitrovic, Ream, Bryan, Onomah, Maja, Kongolo, Robinson

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here