Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo Xilkii ka Qaaday Wasiirka Xajka iyo Cumrada.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay Digreeto ka soo baxday boqortooyada Sacuudi Carabiya inuu Boqor Salmaan uu xilka ka qaaday Wasiirka Xajka iyo Cumarada Maxamed Saalix ben Taaher Benten oo u xilsaarnaa munaasabadda xajka ee sanadlaha ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Issam ben Saciid ayaa xilkaasi si ku meel ah loogu magacaabay.

Xajka iyo Cumrada oo ah halka Dowladda Sacuudiga dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo ayaa sanad walba u soo xareeya balaayiin doolar ka hor inta uusan dhicin cudurka safmarka ee fayraska korona.

“Maxamed Saalix ben Taaher Benten oo ahaa wasiirka Xajka iyo Cumrada xilka ayaa laga qaaday” ayaa lagu yiri qoraal bogga twitterka ee Wakaaladda Wararka ee Sacuusiga SPA lagu soo daabacay iyada oo aan la sheegin sababta uu wasiirka xilka uu ku waayey.

Boqortooyada Sacuudiga siweyn loogu ammaanaa ilaalinta goobaha Islaamiga ee barakeysan ee Maka iyo Madiina iyo sida nabedeysan ee ay u abaabusho.

munaasabadda Xajka, inkasta oo Xujaajta dibadaha ka soo Xajin jirtay laga mamnuucay iney sanadki tagay soo xaajiyaan si looga hortago faafiytaanka korona.

Shirkadaha ka howl gala arrimaha Xajka howlahooda waxaa si weyn u saameeyey tallaabbooyinka ay dowladda u qaadday si ay uga hortagto faafitaanka cudurka safmarka.

Inta uu cudurka safmarka ah dhicin muslimiinta soo Xajiya 24-ka saac waxaa adeeg aan kala joogsi lahayn Xujaajta soo booqato magaalooyinka Barakeysay ee Maka iyo Madiina siin jiray in ka badan 1,300 huteel iyo kumannaan goobaha laga dukaameysto.

Horraantii toddobaadkan, shirkadda Sacuudiga ugu weyn oo qalabka soo saarto ee Jabel Omar waxay amaahtay $427 malyan oo doolar kaddib marki ay dhaqaalaheeda saameeyeen xayiraadihi magaalada Maka saarnaa.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA waxay horraantii toddobaadkan sheegtay Boqor Salmaan inuu qalinka uu ku duugay barnaamij dhaqaale oo lagu caawinayo shirkadaha iyo shaqsiyaadka saameynta dhaqaale ay u geysteen xayiraadihii ka dhashay cudurka safmarka ee Covid-19.

Dhinaca kale, Digreto boqortooyada ka soo baxday ayaa sidoo kale xilkii looga qaaday madaxii Hay’ada Duulista Hawada, Abdulhadi al-Mansouri, oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Abdulaziz al-Duaelij-na sida oo kale waxaa loo magacaabay madaxa cusub ee Hay’adda Duulista Hawada ee Sacuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here