Reysal Wasaaraha Yahuuda oo Baajiyay Safarkiisii Imaaraatka.

0
227

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisul Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay raadiyaha dadweynaha Israel ee Kan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii xaaska Netanyahu oo lagu magacaabo Sara Netanyahu la dhigay isbitalka Hadassah Medical Center ee magaalada Jerusalem, ayada oo caabuq uu kaga dhacay qabsinka.

Safarka Netanyahu ayaa noqon lahaa mid taariikhi ah, oo sii xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee cusub ee ay sanaddii tegtay aas-aasteen Israel iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sare u qaadi lahaa rajada Netanyahu ee doorashooyinka dhowaan ka dhacaya Israel.

Sarkaal u hadlay xafiiska ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Sara Netanyahu loola cararay isbitalka Hadassah Medical Center kadib markii ay xanuun dareeentay, islamarkaana ay ku jiri doonto maalmo.

Netanyahu ayaa wajahaya loolan adag ayada oo Israel ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here