Liverpool Oo Iska Xaadirisay Wareegga Siddeedda Champions League, Salah & Mane Oo Shabaqa Taabtay

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska xaadirisay wareegga siddeedda ee tartanka Champions League, kaddib markii ay wareeggii 16ka kusoo jiidhay RB Leipzig oo labadii lugoodba ay ku garaacday.

Reds oo qalbi-jab kaga jirta horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa si raaxo leh ugu gudubtay wareegga siddeedda ee Champions League oo ay awooddeeda iskugu geynayso maadaama ay faro madhan ka taagan tahay dhamaan tartamadii kale.

Liverpool iyo RB Leipzig ayaa isku rafaaday qaybtii hore ee ciyaarta, isla markaana awoodi waayey inay wax goolal ah kala dhaliyaan, laakiin markii lasoo gaadhay daqiiqaddii 71aad ee ciyaarta ayay Liverpool jabisay gidaarkii adkaa ee difaaca ee Leipzig, waxaana gool u dhaliyey Mohamed Salah, kaas oo furay ciyaarta oo markii hore tigtignayd.

Diogo Jota oo kasoo laabtay dhaawac uu saddex bilood ku maqnaa, ayaa sameeyey caawinta goolka uu dhaliyey Mohamed Salah, waxaana uu saxeexan ay xagaagii samaysay Liverpool uu kusoo lug yeeshay goolasha ugu badan ee kooxdiisa ee Champions League ee xili ciyaareedkan.

Saddex daqiiqadood kaddib goolka Salah, waxa isaguna shabaqa soo taabtay Sadio Mane oo 74 daqiiqadood markii ay maraysay u xaqiijiyey kooxdiisa in ay iska xaadirisay wareegga siddeedda Champions League, isla markaana ay baqasho la’aan ahaanayso qaybta ka hadhsanayd ciyaarta.

Sadio Mane ayaa shabaqa RB Leipzig ku hubsaday kubbad uu ka helay Origi oo lagu beddelay Diogo Jota.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sameeyey isbeddelo badan markii ay kooxdiisu dhalisay goolka koowaad, waxaanu saaray Jota iyo Thiago Alcantara, waxaana soo galay Naby Keita oo kooxdiisii hore ee RB Leipzig ay la ciyaarayeen iyo Divock Origi oo sameeyey goolka Sadio Mane.

Ciyaartan oo taatiko cusub uu kusoo galay Klopp ayaa waxa saamayn badan ku lahaa xiddiga reer Brazil ee Fabinho oo uu kusoo celiyey booskiisii caadiga ahaa ee

khadka dhexe, iyadoo uu kasoo kexeeyey difaacii uu ka ciyaarayay tan iyo bishii October ee sannadkii hore.

Waxa kale oo uu difaaca dhexe ku aaminay Ozan Kabak oo kasoo laabtay dhaawac iyo Phillips oo si wanaagsan u gutay shaqadooda, isla markaana bixiyey ishaaro ah inay tahay in horyaalka Premier League ay u qalmayaan inay iyagu si joogto ah uga ciyaaraan inta ay soo laabanayaan Van Dijk iyo Joe Gomez.

Liverpool iyo RB Leipzig ayaa helay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen, waxaana inta ugu badan iska khasaarisay Liverpool, waxaanay ugu dambayntii ku kala baxeen 2-0 ay guushuy ku raacday Liverpool, taas oo isku darka labadii lugood ee labada kooxood ka dhigaysa in 4-0 ay kusoo baxday Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here