PSG Oo Barcelona Ka Cidhibtay Champions League.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka hadhay tartanka Champions League oo ay soo dhaafi weyday wareegga 16ka kaddib markii ay barbarro 1-1 ah ku dhamaysteen PSG oo ay marti ugu ahayd magaalada Paris.

Barcelona ayaa lagu ciqaabay lugtii hore ee ka dhacday garoonkeeda ee ay PSG kusoo badisay 4-1, waxaana ciyaartan rikoodhe khasaariyey Lionel Messi oo sidoo kalena lumiyey fursado aan looga baranin inuu beer-darreeyo.

PSG ayaa la hormartay gool rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Kylian Mbappe qaybtii hore, laakiin Barcelona ayaa ugu jawaabtay gool qurux badan oo uu Lionel Messi ka toogtay masaafo 30 yard ah kaas oo goolhaye Keylor Navas uu awoodi waayey inuu wax ka qabto.

Lionel Messi ayaa dhamaadka qaybta hore waxa uu kooxdiisa ka lumiyey rikoodhe, kaas oo haddii uu dhalin lahaa ay niyad wanaagsan heli lahaayeen.

PSG ayaa iska xaadirisay wareegga siddeedda tartanka Champions League, halka Barcelona ay ku laaban doonto dalkeeda iyadoo niyad-jabsan.

Shaxdii labada kooxood

TEAM NEWS – BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Sergino Dest, Oscar Mingueza, Clement Lenglet, Jordi Alba; Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Pedri; Antoine Griezmann, Lionel Messi, Ousmane Dembele.

Kaydka: Neto, Riqui Puig, Inaki Pena, Junior Firpo, Miralem Pjanic, Trincao, Konrad De la Fuente, Matheus Fernandes, Samuel Umtiti, Martin Braithwaite.

TEAM NEWS – PSG (4-3-3): Keylor Navas; Alessandro Florenzi, Marquinhos, Presnel Kimpembe, Layvin Kurzawa; Idrissa Gueye, Leandro Paredes, Marco Verratti; Julian Draxler, Mauro Icardi, Kylian Mbappe.

Kaydka: Pablo Sarabia, Abdou Diallo, Ander Herrera, Colin Dagba, Angel Di Maria, Danilo Pereira, Edouard Michut, Rafinha, Mitchel Bakker, Timothee Pembele.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here