Nidaamyadii Caafimaad ee Dalka Braaziil oo Burbur ku dhaw.

0
206

 Jowhar(Radio-Isnaay)- Nidaamyada caafimaadka ee inta badan magaalooyinka ugu waaweyn dalka Braaziil ayaa ku dhow inay burburaan sababo la xiriira kiisaska Covid-19, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray machadka Fiocruz ee dalkaas.

Xaruuntaan oo saldhigeedu yahay magaalada Rio de Janeiro ayaa sheegtay in in ka badan 80% qolalka gargaarka degdega ah ee 25 magaalo oo ka mid ah 27 gobal ee dalkaas ay mashquul yihiin.

Maalintii shalay ayaa waddanku diiwaan geliyey 1,972 dhimasho ah, oo ah tirada cusub ee maalinle ah.

Braaziil waxay diiwaan gelisay in ka badan 266,000 oo dhimasho ah iyo 11 milyan oo xaaladood ah tan iyo markii uu cudurkan faafay.

Waxay diiwaan galisay tirada labaad ee dhimashada ugu badan adduunka marka laga reebo Maraykanka.

Sida laga soo xigtay machadka Fiocruz, 15 caasimadaha ku yaalla dalkaas Isbitaalladoodu waxay haystaan ICU-gu kuwaas oo in ka badan 90% awood u leh inay cudurka la tacallaan waxaana ka mid ah magaalooyinkaas Rio de Janeiro,Brasilia iyo São Paulo.

Labada magaalo ee ugu waaweyn dalkaas ee kala ah Porto Alegre iyo d Campo Grande ayaa waxaa buuxdhaafay qolalka gargaarka degdeg ah.

Cilmi baarayaashu waxay xoojinayaan in la ballaariyo baahida loo qabo lana xoojiyo tallaabooyinka la xiriira kala fogaanshiyaha bulshada , xirashada waji xirka iyo nadiifinta gacmaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here