Maxaa Kala Socota Kulanka Caawa PSG vs Barcelona.

0
199

Jowhar(Radio-Isnaay)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa safar ku tegaysa garoonka Parc des Prince iyadoo doonaya inay la timaaddo niyaddii geesinimada ee habeenkii taariikhda galay ee ay isla kooxdan reer France ka daba timid xilli ciyaareedkii 2016-17 oo guul soo laabasho cajiib ahaa ay ka gaadhay, laakiin markan waxay tegaysaa magaalada Paris iyadoo kulankii hore 4-1 lagu soo garaacay garoonka Camp Nou lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Champions League.

Lionel Messi ayaa rikoodhe ku jabiyey derbiga PSG ay diyaarsatay kulankii hore, laakiin Kylian Mbappe oo saddexlay dhaliyey iyo Moise Kean oo kaga jawaabay gool qurux badan ayaa ka dhigay PSG naadiga lugta lasii galay wareegga xiga.

Laakiin taasi kama dhigna in Barcelona ay uga dhamaatay tartanka, sababtoo ah, waxa taalla xusuusta dhow ee ay isla kooxdan kaga daba timid 4-0 ayna ugu beddeshay 6-1, wadartii guudna noqotay 6-5 ay Barcelona kusoo baxday.

Kulankan ayaa labada kooxood u imanaya iyagoo guulo waaweyn kasoo gaadhay ciyaarihii ugu dambeeyey ee -maxalliga ahaa. Barca ayaa 2-0 ku garaacday Osasuna kulan u ekaa inay tababar qaadanayaan oo kale, halka PSG ay 3-0 ku khaarajisay Brest kulan ka tirsanaa Coupe de France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here