Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA oo Isbeddelo ku Samaynaya tartanka Champions League.

0
192

Jowhar(Radio-Isnaay)-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddelo ku samaynaya tartanka Champions League, waxaana laga dareemi doonaa laba saamaynood oo waaweyn oo aan hore uga jirin.

Sida uu sheegay Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Juventus, waxa jira qorsheyaal ay UEFA waddo oo midda ugu horreysaa tahay in la beddelo qaabka loo ciyaaro tartanka Champions League, loona habeeyo sidii horyaal ay naadiyadu is wada arkayaan, taas oo looga dan leeyahay in lagaga hor tago tartanka ay kooxaha waaweyn ee Yurub samaysanayaan ee Super League.

Andrea Agnelli waxa kale oo uu tilmaamay in qorshaha UEFA ay ku jirto in la yareeyo farqiga weyn ee mushaharooyinka kooxaha Champions League ka qayb-galaya, si ay ugu yaraan iskugu soo dhowaan karaan awood ahaan.

UEFA ayaa sidoo kale uu qorshaheeda la socdaa qodob mamnuucaya in kooxaha ku wada jira tartanka Champions League ay ciyaartoyda kala iibsadaan, taas oo ka dhigan in koox walba ay ku qasbanaan doonto in xiddigaha ay u baahan tahay inay isku xoojiso ay kaliya ka doonato naadiyada ay ka qayb-galaynin tartanka.

Advertisements

Agnelli waxa uu sheegay in wali wada-hadalku socdo oo aan si rasmi ah la iskula qaadanin in isbeddelladan la hirgeliyo, hase yeeshee ay yihiin wax miiska saaran oo ay suurtogal tahay in la meel mariyo.

Kooxaha ka qayb-gelaya Champions League ayaa iyagana laga wada hadalyaa in sannadka 2024 laga dhigo 36 kooxood halkii ay hore uga ahaayeen 32 kooxood, qaabkiisuna noqdo sidii horyaallada oo kale, taas oo jadwalka cidhiidhiga ah kusii xumayn doonta horyaallada maxalliga ah.

Premier League, LaLiga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 ayaa haddii qorshan la meel-mariyo waxa lagu qasbi doonaa inay yareeyaan tirada kooxahooda, si ay usoo koobmaan ciyaaruhu oo firaaqo loogu helo Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here