Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Tareen

0
157

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen Saakay shil tareen oo ka dhacay gobolka Sindh ee koonfurta dalka Pakistan.

Tareenka oo ku sii jeeday magaalada Lahore ayaa mid aad u weynaa, waxaana uu ka kala go’ay dhex bartamaha, sida ay sheegeen saraakiish  gobolks.

Dadkii ku dhaawacmay ayaa loo gudbiyay isbitaalada,  waxaana la bilaabay baaritaan ku saabsan sababta keentay shilka.

Wasiirka Gaadiidka Dalka Pakistan Azam Sawati ayaa sheegay in ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay la siin doono magdhow.

Shilalka tareenada ayaa si joogto ah uga dhaca Pakistan, iyada oo kaabayaasha dhaqaalaha tareenada aysan ku filnayn dhisida wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here