Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Macalin Arteta ayaa xaqiijiyay in jugtii dhaawac ee Smith Rowe ku gaartay kulankii Leicester City aheyn mid halis ah balse lama hubo in kulankaan uu safan doono
Marka dhankaas laga yimaado , Arsenal shaxdeeda waa isku toosan tahay mana jiran dhaawacyo kale ay ka sheeganayaan
Kulanka: Burnley Vs Arsenal
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 3:30
Garoonka: Turf Moor
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Burbnley ayaa hamineysa in guushii labaad xilli ciyaaredkaan ka gaaraan Arsenal markii ugu horeeysay taariikhda tan iyo xilli ciyaareedkii 1962/1963-aad.
Arsenal loogama badin garoonka Turf Moora ka dib 8 kulan oo hore oo ay ku ciyaareen , waxaan ugu dambeeysay sanadkii 1973-dii
Burnley ayaa kaliya badisay hal kulan 8 kulan oo hore oo horyaalka ah , 4 bar bar dhac iyo sedex guul dar ayay wataan.
Arsenal ayaa guul dareystay 11 kukan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkaan
Arsenal ayaa badisay afar kulan oo hore oo qeyb ka ah 6kulan. oo banaanka garoonkooda ah iyadoo horyaalka la joogo
Pierre-Emerick Aubameyang waxa uu Burnley ka dhaliyay 7 gool oo horyaalka ah mana jirto koox kale uu sidaas ku sameeyay