12 dal Afrikan ah oo la gaarsiiyay tallaalka ka Hortagga COVID-19.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO qayb-teeda Africa ayaa Sheegtay Ilaa Saakay  in 12 dowladood oo African ah la gaarsiiyay in ka badan 11 Malyan oo Talaalka Covid-19 Barnaamijka COVAX ee dalalka Faqriga lagu gaarsiinayay Talaalkan. 10-kii Maalmood ee la soo dhaafay.

Qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika ayaa la gaarsiiyay Talaalkan Sida Kenya Sudan,Ugandha,Congo,Gambia,Malawi,Ruwanda,Nigeria ,Angola iyo dalal kale.

Sidoo kale hay,adda Caafimaadka aduunka ee WHO waxa ay sheegtay in dhawaan10 dal  la gaarsiin doona Isbuucaan sida laga soo Xigtay Hay’adda .

Bahda Caafimaadka iyo dadka Da’doodu ka wayn tahay 50 sano waa inay Qaataan oo si siman ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda Caafimaadka aduunka ee Who si loola dagaalamo faafida Covid-19 ee dunida si ba’an u saameeyay

Malawi ayaa heshay 360.000 oo dhibcood oo ah tallaalka AstraZeneca kaas oo loo soo marsiiyay barnaamijka tallaalka caalamiga ah ee COVAX.

Wasiirka caafimaadka Malawi Khumbize Kandodo Chiponda ayaa sheegay in tallaalka la gaadhsiin doono dhammaan gobollada dalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaalka lagu billaabi sdoono howlwadeennada caafimaadka ee safka hore iyo dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Dowladda ayaa sheegtay in tallaalka uu bilaaban doono 15-ka bishan March.

Tallaalka Malawi gaadhay ayaa 360.000 oo dhibcood ka timid UNICEF.

Malawi ayaa diiwaan gelisay 32,283 oo kiis iyada oo ay geeriyoodeen in ka badan 1,058 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here