Wax ka Baro Da’da Shimbirta ugu Cimriga Dheer Dunida.

0
224

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shimbirta ugu da’da weyn dunida waxa shimbiro ku nool oo ka mid ah [xuur-badeedda ku nool dhulka qaboobaha ah] ee albatross, oo haatan jirtay ugu yaraan 70 sano magaceedana la yidhaa Wisdom ayaa beed dilaacisay oo haatan shimbir dhal ah kicisay.

Shimbiraha noocan ah ayaa sida qaalibka ah noolaada inta u dhaxaysa 12 ilaa 40 sano oo keliya. Laakiin Wisdom waa shimbirta keliya ee ay cilmi-baadheyaashu dersayeen laga soo bilaabo 1956.

Saraakiisha daryeelka duurjoogta ayaa sheegay in albatross lab ah oo shimbirtan meel lagu wada xanaanaynay tan iyo 2012-kii suurto geliyey in ay Wisdom beed dhasho oo ay sidaana ku dilaaciso ugxantii ay mudada ku fadhiday.

Xuur-badeedka albatross waxa u gaar ahi waa in ay lab iyo dhedig keli ahi weligood wada jiraan, hase yeeshee waxa la rumaysan yahay in Wisdom ay ka dhinteen lab dhawr ah oo ay muddo wada jireen.

Walow Wisdom xabadda beedka ah ku dilaacisay bishii Feeberweri jasiirad yar oo ku taal woqooyiga badweynta Pacific-ga oo ka tirsan dhulka Marykanka, hadana todobaadkan uun baa la shaaciyey arinta.

“Wisdom waxay beedka dhashay maalmihii ugu dambeeyey bishii Noofember” ayaa lagu yidhi warbixin ay shaacisay wakaaladda duur joogta Maraykanku.

“Isla markii ay beedka dhashay ba, Wisdom waxay ku noqotay badda oo waxa beedka ku fadhiyey labkii. Shimbiraha albatross way qaybsadaan mudada ay ku fadhiyayaan beedka. Marka uu dilaaco ee dhashu kacdana sidoo kale way qaybsadaan xilka u qadhaabidda dhasha”.

XIGASHADA

Wakaaladda daryeelka duur joogta Maraykanku waxay aaminsantahay in shimbirtani intii ay jirtay kicisay ugu yaraan 30 ilaa 36 shimbirood.

Shimbiraha albatross dhawrkii sano ba xabbad beed ah ayay kiciyaan.

Goobta lagu xanaaneeyo shimbirahan duur joogta ahi waa goobta ugu weyn dunida ee shimbiraha albatross lagu daryeelo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here