Inkaarta Heysata Mesut Ozil Oo Weli Socota Iyo Dhibkii Ku Dhacay Kulankii Shalay.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddigii hore ee Arsenal Mesut Ozil ayaa bareelo looga dhex qaaday garoonka intii ay socotay kulankii ugu danbeeyay ee uu u dheelay Fenerbahce caawa.

Ozil ayay qasab noqotay in laga dhex qaado garoonka bilowgii qeybta labaad ee ciyaartii ay barbaraha 1-1 la galeen kooxda Antalyaspor, taasoo durbadiiba abuurtay cabsi laga qabo inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado.

32 jirkaan ayaa qaab xun dhulka ugu dhacay isagoo dhaawac uu ka soo gaaray canqowga xilli ay kubad ku xafiiltamayeen weeraryahan Fredy, wuxuuna awoodi waayay inuu soo kaco taasoo keentay in bareelo looga qaado garoonka xilli uu si jahwareer ah ku bilowday waayihiisa Fenerbahce.

Ozil ayaa la qiimeyn doonaa xaaladiisa ka hor inta aan waqti loo qaban mudada uu ku soo kabsanayo, laakiin waxa la filayaa inuu seego kulanka horyaalka Super Lig ee ay Isniinta la dheelayaan Konyaspor.

Fenerbahce ayaa sidoo kale la balansan kooxda Genclerbirligi iyo kooxda ay sida xun u xafiiltamaan ee Besiktas ka hor inta aysan dhamaanin bishaan, waxayna xilli ciyaareedkan ceyrsanayaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee tan iyo xilli ciyaareedkii 2013-14.

Taageerayaasha Fenerbahce ayaa rajeynaya in Ozil uu ku soo laaban doono garoomada labadaas kulan, iyadoo ay suurtogal tahay inuu dhowr maalmood maqnaado haddii uu dhaawaciisa canqowga noqdo mid fudud.

Kubadsameeyahaan ayaa qeybtii hore qasaariyay gool u baahnaa ku taabasho isagoo baas loogu soo dhigay xerada ganaaxa hareermariyay goolka ka dib markii uu ku degdegay darbada.

Ozil ayaa weli raadinaya goolkiisii ugu horeysay ee Fenerbahce, welina lama uusan qabsanin kooxdiisa cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here