Man United Oo Kulankii 3aad Oo Isku Xigta Barbaro Goolal La’aan Ah Gashay.

0
223

Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa mar kale dhibco dhumisay horyaalka Premier League ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah oo niyadjab ah la galeen kooxda Crystal Palace oo marti loogu ahaa garoonka Selhurst Park.

United ayaa soo bandhigtay ciyaar caajis ah oo aan weerar badneyn taasoo keentay inay kulankii seddexaad oo isku xigta barbaro dhac goolal la’aan ah galaan (Chelsea & Real Sociedad), iyagoo Axada la ciyaaraya kooxda hogaamineysa horyaalka ee Manchester City kuwaasoo haatan 14 dhibcood ka sareeya United.

Man United ayaa weli heysata rikoodhkeeda aan laga badinin 21 kulan oo isku xigta oo ay marti ahaayeen Premier League, laakiin caawa ma ahan habeen ay ku faraxsanaanayeen inay sii dheereysteen rikoodhkaas.

Weerarka labada kooxood ma uusan aheyn mid muuqday kulankii caawa iyadoo Man United ay kubada inteeda badan koontarooleysay balse afarteeda ciyaaryahan hore ma aheyn kuwa saameyn badan lahaa.

Goolhaye Guaita ayaa dhowr jeer la tijaabiyay qeybtii hore ee ciyaarta halka daafacyada Crystal Palace ay iska caabiyeen Cavani, Greenwood iyo Marcus Rashford.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo aysan ka dhicin ciyaar la jecleystay daawashadeeda.

Tobankii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaartoyda Man United waxay ahaayeen si la mid ah qeybtii hore iyagoo ciyaarayay baasas caajis ah iyo kubad aan degdegsiimo badan laheyn, taasoo farxad u aheyd Palace oo ku qanacsaneyd inay goolkooda difaacdaan.

Solskjaer ayaa la bedelay sameeyay rubac saac markii ay ka harsaneyd ciyaarta isagoo bixiyay Fred iyo Cavani, wuxuuna soo geliyay McTominay iyo Daniel James.

Man United ayaan heli darbo goolka ku bartilmaameedsan laga soo bilaabo daqiiqadii 27aad ee ciyaarta ilaa iyo dhamaadkii ciyaarta.

Manchester United ayaa ceshatay rikoodhkeeda 21 kulan oo isku xigta oo aan looga badinin kulan ay marti yihiin Premier League laakiin waxay ku sigteen inay rikoodhkaas waayaan haddii uusan ahaan laheyn goolhaye Henderson oo fursad dahabi ah ka badbaadiyay Van Aanholt.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here