Viruska Corona oo la Ogaaday in uu Marlabaad ku Dhici karo Bukaanada ka Biskooday.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaar ka mid ah bukaannada ayaa ka caafimaaday Covid-19, waxaana laga fasaxay cisbitaallada, balse mar labaad ayey xanuunsadeen, markii la baarayna waa laga helay. Fayraska corona, sida hargabka caadiga ah, wuu soo noqon karaa.

Nin 70 sano jir ah, waa tusaalihii ugu horeeyay ee ah bukaan ka yaabiyay dhaqaatiirta, walwalna geliyay ogaanshaha fayraskan.

Waxaa lagu karantiilay cisbitaal ku yaalla Tokyo ka dib markii coronavirus laga helay bishii February.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Japan ee NHK, ninkaas ayaa xanuunka ka caafimaaday wuxuuna dib u billaabay noloshiisii caadiga ahayd. Balse dhowr maalmood ka dib, dib ayuu u xanuunsaday, wuuna qandhaday.

Ninkii ayaa dib loogu celiyay cisbitaalka, dhaqaatiirta iyo isagaba la yaab ayey ku noqotay. Wuxuu ogaaday in mar labaad uu ku dhacay coronavirus.

Inkastoo uusan keligii ku ahayn xaaladdan ee dalka Japan, haddaba weerarka rogaal celiska ah ee coronavirus waxaa la kulma dad yar, balse tiro ahaan badan.

Luis Enjuanes, oo ku taqasusay fayrasyada faafa, kana tirsan machadka Qaran ee Biotechnology (CSIC) ee dalka Spain, wuxuu BBC u sheegay in ugu yaraan boqolkiiba 14 ka mid ah bukaannada  laga daweeyay Covid-19, in markale uu ku dhacay.

Wuxuu aaminsan yahay in arrintan aysan ka dhalan in mar labaad ay fayraska qaadeen, balse waa midkii hore oo “dib u soo rogaal celiyay”.

Sharaxeedeyda, iyo sida dad kale oo badan ay u dhigi lahaayeen, waa in coronavirus uusan dadka kala soocin, balse dadka qaar difaacooda jirka waa mid aad u xoogbadan,” ayuu yiri Enjuanes.

Marka ay daciifto jawaabta uu bixinayo difaaca jirka, fayraska oo meelaha qaar ku dhuumanaya ayaa weerar kale soo qaada.

Qaar ka mid ah fayrasyada waxay isaga dhex noolaan karaan jirka, seddax bilood iyo in ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here