Vinicius Junior Oo Real Madrid Ka Badbaadiyay Guuldarro, Real Sociedad Ayay Barbardhac Ku Hishiiyeen.

0
197

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid iyo Real Sociedad ayaa ku hishiiyay bar bar dhac min hal gool ah xili Real goolkaas ay keeneen daqiiqadihii geerida ee dhamaadka ciyaarta

Labada koox ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Real Madrid ay qeybtii hore ka sheegteen nasiib xumo  oo kubadda ayaa diiday in ay shabaqa gasho.

Heerka kubad hayashada Real ayaa in yar ku sareeysay xilli Real Sociedad ay ku wacnaayeen kubadaha rogaal celiska waxaana u sii dheeraa geesinimo ay ugu dhiiranayeen goosha Real Madrid .

Real Madrid waxa ay ka sheeganeysay in go`aano deg deg ah qaadanayeen marka ay tagaan afka hore .

Qeybta labaad , Real Sociedad waxa ay heleen durba gool  oo uu ka muuqday qalad dhanka daafaca  ah waxaana lagu helay daqiiqaddii 55-aad iyadoo uu dhaliyay Cristian Portu

Inkastoo goolkaas heleen hadana Real iyaga ayaa maamulka ku sareeyay si waliba ayay gool u raadinayeen balse nasiibka ayaa ka maqnaa waxa ayna heerka kubadda hayshada mararr qaar gaareysay 55%.

Real Sociedad waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah oo mararka qaar halis ahaayeen balse Real Madrid aad ayay ugu wacnaayeen weerarka balse ijn ay gool u turjumaan ayaa ka maqneyd .

Guud ahaan qeybta labaad , Real waxa ay Real Sociedad ku ciqaabayeen boosaskooda balse xalka ayaa ka maqnaa waxa ayna halista Real ka imaaneysay garbaha.

Real Sociedad daafac ahaan ayay u wacnaayeen balse cadaadiska Real waxa uu ahaa mid uu ku imaan karo gool ilaa ugu dambeyn ay heleen daqiiqadii 89-aad waxaan dhaliyay Vinicius Junior kaasi oo badal ku soo galay ciyaarta daqiiqadi

61-aad xilli ka dib TReal Madrid birta ayaa u diiday goolka , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay min hal gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here